DHAGAYSO: GARAAD WIILWAAL DHALASHADIISII IYO BARBAARIDDIISII

WWW.HOYAALAY.COM: Magacyada waaweyn ee taariikhda bulshada soomaalida ku xusani way faro badan yihiin, waxaa ka mid ah magac degaannada dalka oo dhan laga yaqaan oo dadka qaarkiis ay jiritaankiisaba isweyddiiyaan. Waa magac dhabtii jirey oo aan xusiddiisa la huri karin haddii la rabo hababkii madaxtooyo ee raacatadeennii hore in wax laga ogaado. Waase magac sida uu u dheer yahay aan wax sugan looga hayn.

 

 

Goor lagu qiyaasayo dabayaaqadii qarnigii 18d ama bilawga kii 19d ayuu ninka magacaas lihi ka soo if-baxay galbeedka soomaalida degta, gaar ahaan Jigjiga iyo dhulka u ogogga leh ee ay ugu magaca dheer tahay. Wuxuu ka dhashay qoyskii tolkooda madaxnimada u hayey, waxaana la oran jirey Garaad Faarax Garaad Xirsi. Garaadku wiilkii u dhashay wuxuu ku samiyey awowgiis oo Xirsi ayuu ugu waqlalay. Waxay malaha la ahayd taasi inay keeni karayso inanka oo awowgii ka raaca tilmaamihii wanwanaagsanaa ee uu aabbihiis ku malaynaayey. Iyada oo weli la xanbaarsan yahay ayay Xirsi hooyadiis waxay ula kacday reer-abitigiis oo degaankoodu ahaa hawdka Hargeysa koonfur-bari kaga aaddan; halkaas oo ay muddoba kula maqnayd. Habka nolosha reer-aabbihiis iyo reer-abtigiis way kala duwanaayeen oo ay halka ay reer-abtigiis giddi xoolo-dhaqato ka ahaayeen, reer-aabbihiis, xoolaha ka sokow, waxay ahaayeen qodato dalagga beerata oo inta badan aan guurguurine, meelo aan kala durugsanayn ku negaata.

Sida la og yahay, dadka labadaas hab-nololeed kala raacsani way kala anshi duwan yihiin. Muran badan iyo dafdaf siyaado ah ayaa xoolo-raacatada lagu xantaa, beerreydana degganaan iyo feker aamusan. Dirir fudud iyo gacanta oo ka soo horraysa ayaa xoolo-raacatada lagu sheegaa oo waxay ku maahmaahaan, ‘dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa’, beero-falatadana nabad-jacayl iyo dulqaad badan. Waa laba dabeecadood oo  labada hab-nololeed  ay ku kala geddisan yihiin, dadkoodana lagu kala sooco.

Xirsi oo kuray ah, reer-abtigiis iyo geeljirena ku soo barbaaray ayaa galbeed iyo reer-aabbihiis dib ugu soo noqday. Waa inankii Garaadkee, markii daymo siyaado ayaa loo yeeshay. Wiilasha kale ka fudud. Wiilasha kale ka firfircoon. Wiilasha kale ka wax-toyasho badan oo ka su’aalo adag. Wiilasha kale ka qalab badan, kana dagaal aqoonsan. Intii meel isugu timaaddoba, isaga uun baa ka soo muray oo wax u teeleeyey. Isaga oo aan la magacaabin ayuu madax isaga dhigay, isaga oo aan loo dirsanna waa u taliyey. Odayaashii degmada midkood oo u fiirsaday ayaa yiri, ‘war kani waa jinni-boqor!’ Naynaastaas ayaa muddo loo yiqiin, in kastoo waayadii dambe ka hartay oo loogu beddalay naynaas kale oo ku dhegtey, taariikhdana uu ku galay. Waa naynaasta uu caanka weli ku yahay ee ah:Wiilwaal. 

Isaga oo aan baaluqin ayaa geesinnimo dheeraad ah loo qiray. Shan iyo toban gu’ maalintii uu gaarey ayuu colwadeen noqday oo guutooyinkii tolkiis uu ammaanduule noqday. Da’daas oo kale wiil wiilal ka fooray mooyee, cid kale hoggaamiyennimo kuma hanan karin. Dagaal-aqoon, fardo-dhaarinnimo iyo gacan fudayd lala yaabay ayaa barbaarnimadiiba lagu bartay. Weligiisna, siday weriyeen, cidi nabar kalama hor-marin. Feejignaan siyaado ah iyo tuhun joogto ah oo dad oo idil uu ka qabey ayuu ku tilmaannaa. Had iyo jeerna, warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalka gacantiisu meel aanay ka gaari karin kuma uu ogaan! Aabbihiis  baa dadka u boqranaaye, isagii baa hareeyey oo inta Garaadkiiba la illoobey ayaa magacii Wiilwaal lagu hadaaqay. Nin waliba waa ka baqay, nin walibana ‘Ilaahow gacantiisa iga nabad-geli’ ayuu ku ducaystay. Aabbihiis Garaad Faarax oo weli nool ayuu taliyey oo waxna diley, waxna derajeeyey. Hadal uu yiri cidi ma diidi karin, mana asaraari karin. Nin melaggiis galay mooyee, nin ‘maya’ ukula dhacayna lama sheegin.

Geyigu waa geyi colaadeed,dhaca xoolaha iyo dilkuna waa joogto. Ninkii caano-waa iyo cayrnimo ka baqayey wuxuu u tafo-xaytay geel uu xoog ku soo taabo. Kii dakano laga qabeyna wuxuu ka doontay kii hayey oo birta u tuntay. Garaad Faarax wuxuu guddoomiyey niman ‘soo-jeedayow’ loo bixiyey oo hawshoodu tahay degmada cirifkeeda inay habeen oo dhan ku wareegaan, ‘raad col’ oo soohdintooda soo galay ilaaleeyaan, haddii ay wax arkaan ama aay wax dareensadaanna ka soo digaan. Waa ‘waardiye’ amaba waa ‘gaadh’ sida aynu hadda u naqaan. Waxaa iyadana la guddoomiyey reerkii ay nimankaasi u tagaanba inuu siiyo neef ay qashaan oo ay beryo ku noolaadaan.

Raggaas ayaa Wiilwaal lagu daray, iyada oo la sinnaa oo ‘cid baa madax ah’ iyo ‘ cid baa manjo ah’ aan la oran. Ha yeeshee, Wiilwaal oo kale kama suuroobi karin rag inuu garabkiisa ka dayo ama uu la masoobo! Dabadeed, maalin maalmaha ka mid ah ayuu, malaha, isyiri, “Nimanka kula socda maxaad, tolow, ku fashaa, si ay u caddaato inaad adigu tahay laboodiga keliya ee aan la labayn?” Wuu fekaray. Haa, allaylehe, hadda ayuu  helay. Wuxuu u soo jeediyey kolkii xoolo la qasho ee hilbo-qaybsiga loo soo fariisto inuu isagu yeesho labada cad ee neefka ugu wanaagsan, inta kalena uu ka saami-qaato! Way dareemeen wax-qaybsi ay ku dulman yihiin inuu guddoonkaasi yahay, cidise way ku dhici weydey inay dood ka celiso. Oo go’aanka Wiilwaal kuma ayaa ka hor-imaan kara oo naftiisa nacay?!  “Hawraarsan iyo guddoon” ayaa dharaartaasna lagu kala dareeray.

Muddo haddi ay sidaas ku socotey ayaa raggii adkaysan waayey oo intay shireey talo ku idleeyeen, “War Wiilwaal labadan cad ee neef kasta u wanaagsan dhaxal uma uu heline, aynu mid ka reebno!” Arrintii waa lagu heshiiyey, ha yeeshee waxaa haddiiba la isku af-garan waayey, cid dhabarka u ridatana la waayey ninkii Wiilwaal u sheegi lahaa in labadii cad mid laga reebay! Wax fodda la iskula jiro oo dhul-xarriiq lagu foognaadoba, ugu dambaystii ayay guddoonsadeen inay iska soo dhex-saaraan saddex nin oo go’aankooda Wiilwaal maqashiiya. Ballan waxaa laga dhigtay in lagu yiraahdo, “Wiilwaal labada cad iskuma heshid”, asii aan nin qurihi orane, weedhaas dhihiddeeda la qaybsado oo ninka koowaad yiraahdo, ‘Wiilwaal’, kan labaadna yiraahdo, ‘labada cad’, kan saddexaadna, ugu dambaysta, yiraahdo, ‘iskuma heshid.’ Kolkii ay shirkii yimaadeen ayaa kii hore yiri, ‘Wiilwaal’ oo degdeg u fariistay. Markaas buu kii labaadna halhaleel wuxuu u yiri, ‘labada cad.’ Kii saddexaad kolkiii uu u hogbaday weedhii la isku ogaa inuu inta ka dhimman ku daro ayaa waxaa daymo kulul ku eegay Wiilwaal oo warankiisii si wacan gacmaha ugu qaabsaday. Daymadii qallafsanayd iyo umalkii wejiga ka muuqday ayaa ninkii cabsi geliyey. Labada bawdo ayaa jareeyey. Garaacii wadnihiisana waxaa maqlay kuwii garabkiisa fadhiyey. Nin kasta oo goobta fadhiyey awaxaa ka dhaadhacday goorta uu afka ciidda gashan doonaa inay isha baalkeeda tahay. Halkii laga filayey in hadalkii hore ee ahaa, ‘labada cad’ uu ku dhammays-tiro, ‘iskuma heshid’ ayuu argaggixii badnaa ka yeersiiyey waxa aan uurku doonayn, afkuse ka xaday oo wuxuu yiri, ‘lug laguugu dar!’

Ma war baa yaal? Xan mooyee, sow in loo bareeraa ma dhiman? Sow labadiisa cad iyo wixii uu doono oo uu ku darsadaa uma garoobin? Sheeko iyo maahmaah lagu maadaysto sow ma noqon?

Wiilwaal, coofka ayuu kor u taagey. Wuxuu isula ekaaday baarqab awr dhufaanan lagu sii dhex-daayey oo qooq la golongolay, miciyihiina soofaystay. Goobtii la isaga hor-yimidba, libin buu kala laabtay. Colkii uu hogamiyeyba, guul iyo gacmo buuxa ayuu la soo noqday. Arlada ayuu, habi la’aan, u taxaashay, hiyigana wuxuu gashaday nin caqli ama garasho kala mid ah amaba ugu soo dhowaada inuu geyigaba ka dhawro! Nin laboonti sheegtay iyo isagu xiirexiire ayay ahaayeen, waaxaadna mooddaa inuu rumaysnaa maahmahdii ahayd, ‘qoori xero kuma heshiiso!’ Magacaas dheer iyo haybaddaas wuxuu huwanaadaba, soddon gu’ ayuu baarka ka jaray. Xoog iyo garashoba wuu istaawiyey, nin walibana bannaanka ayuu ka maray.

Maalintii dambe, isaga oo cirifka degmada ‘soo-jeedayow’gii ugu maqaddin ah oo guutooyin soo weerara tolka kaga gaashaaman ayaa ku’ dhanbaal baas wadaayi la soo joogsaday. Bariidin gaaban ka dibna wuxu ku yiri, “Wiilwaalow, Garaad Faarax allaha u naxariisto!” Geeridii aabbihiis ayuu u sheegayaa. Isna madaxa intuu foorariyey ayuu, debin ka dib, dhanbal-wadihii ka toydey sidii ay wax u dhaceen. Judhii horeba wuxuu ogaadey sababtu inaysan bas ahayne, ay bir tahay. Nin la oran jirey Khayrre Shirwac iyo Garaadka ayaa eed lahaan jirey. Wuxuu ka taban jirey in badan oo tolka wax u qaybiyey inuu isaga ka eexday. Caddaalad-darro goonni ugu dhacday ayaa maankii ka qaadday; kolkaas buu dhagar ku tashaday. Dhiiggii Garaadka ayaa u hillaacay. Waxaaba iska hor-caddaysay inta uu makalo inuu garaadnimadaba uu isagu kala meero. Hoosaale meel la yiraahdo iyada oo la deggan yahay oo geedkii shirka lagu dhan yahay, Garaad Faaraxna fadhiyo ayuu Khayrre soo muuqday. Waa la wada dhugtay, isaga iyo kaalkiisii weynaa. Wuu soo dhowaaday. ‘Nabad ma sheegteen?’ iyo ‘maxaa la isugu warramay?’ isaga oo aan oran ayuu gabay bilaabay. Wuxuu yiri:

‘Qadaar malab ah oo meel qotoma oo rag wada quuto

Qayrrow aduuni ka qatanow qaadan kari maayo!’ 

…oo isaga oo aan eray kale ku darin, warankii uu gacanta midig ku haystey Garaadkii wadnaha kaga xabaalay! Isla markiiba, isna waxaa hooto halgaad ah saabka kala helay nin geedka fadhiyey oo ay Garaadka xigaalo dhow ahaayeen. Khayrre Shirwac kolkii ay naftu ka baxysey, halkii uu ka tawxiidsan lahaa, wuxuu ku ala’laday, ‘qlay oo ka qaday! qalay oo ka qaday!’ oo uu ula jeeday: boqornimadii aan Garaad Faarax ka diley ee aan islahaa ‘la soo meer oo shafeecso’ rag kale ayay u gacan-gashay, anna waan ka qaday! Laba xajuub oo aan kala fogeyn ayaa, galabnimdiiba, isaga iyo Garaadkii lagu soo ogaadey.

Dhanbaal-waduhu, warka geerida ka sokow, farriin kale ayuu Wiilwaal u siday. Odayaashii tolka ayaa, marba hadduu isagu dhaxalka Garaadnimo leeyahay, waxay u soo fareen halkii ay degmadu tiil inuu degdeg u yimaado, si loo caleemo-saaro. Wiilwaal talo ayaa ku caddaatay. Laba arrimood ayaa iskummar la soo gudboonaatay. Wuxuu og yahay oo uu kana digniin-helay col mahiigaan ah oo reerahooda dhowaan ku soo gulfi doona. Karinta uu ragga ku haysto haddii uu banneeyona, beesha ayuu colkaasi cidla’ ka heli doonaa, nin kale oo uu caabbigiisa ku halleeyaana uma uu muuqdo. Midda kale, waa gar oo xeerka ayaa ahaa, haddii uu nin madax ahi geeriyoodo, si degdeg ah midka mutaysiga u leh in duubka boqornimo loogu xiro. Ceeb aan dusha loo ridan karin ayay ahayd, maalinna allaha ka dhigee, tol aan madax kala hagta lahayn, waxna u qaybisa! Wuxuu isweyddiiyey: ma waxaa jirta cid aan adiga ahayn oo Garaadnimada haweysan karaysa? Jawaabtu waa maya. Ma cid baa kugula murmi karta? Iyana waa ‘maya’. Cabbaar haddii uu naftiisa la tashanaayey ayuu go’aan gaarey; kaas oo ahaa, maantadatan inuusan degmada waxba ku degdegine, colka soo socda uu u toog-hayo, tolkana uu ka caabbiyo. Dhanbaal-wadihii ayuu u yeeray, wuxuuna u dhiibay maradiisii khaylida ahayd ee beesha oo idili ay ku tiqiin. Wuxuu sii faray oo ku yiri, “Maradaydan qaad oo kolkii aad shirka geyso geed dushiis ha lagu fidiyo, dabadeedna iyada ha la caleemo-saaro, hana loo dabbaaldego. Aniga oo idin la jooga uun bay la mid tahaye, sidaas ha la yeelo!” Waa la yeelay, waxayse noqotay xaajo ugub oo aan cidi kaga horrayn, wixii Garaaddada iyo Ugaasyada soomaalidu ay tiro lahaayeenna, keligiis uun u suuraggashay.

U-dabbaaldeggii khaylida ka dib, ‘Wiilwaal’kii Ina-Garaad Faarax ahaa wuxuu noqday Garaad Xirsi Garaad Faarax. Muxuu la soo bixi doonaa? Muxuu noqon doonaa? Anshigiisa wax ma iska beddali doonaa, mase dhaqankiisii hore ayuu ku wadi doonaa?

Qoraasare Axmed F. Cali “Idaajaa”

 

WWW.HOYAALAY.COM
info@hoyaalay.com