DHAGAYSO: SHEEKADII MATAAN CIIDEED OO DHAMMAYSTIRAN “IDAAJAA”

Sheekadii Mataan-ciideed

WWW.HOYAALAY.COM: Geyigii la joogoba, nin baa uunka ‘mur’ ka soo yiraahda. Xilligii lagu sugan yahayba, wiil baa la soo tufaa oo arlada ka soo shaac-baxa. Nin baa hannaanka nolosha ee dadka badani ku wada dhaqmo dhinac uga leexda. Wax ugu wacanba, nin baa falal laga cawdu-billaysto ku kaca oo waxa uu samaynaayo uu duulba duul u weriyaa. Awoodda muruqiisa iyo gardarro garbo og ayaa xigmad oo idil garaadkiisa ka xala. Garaadka kolkii uu waayona, samaanta iyo xumaanta ayaa sooran u noqda! Isaga oo indho leh ayuu aragga beelaa; kolkaas buu uunku ula ekaadaa yaryarood aan maamuskiisa mudnayn oo ilmilicsi cagta ku marin karo. Isaga oo dhego leh ayuu maqalku ka baalidaa, kolkaas bay waanada waxgaradka iyo tusaalaha waayeelkuba sidii hadaaq carruureed ku soo gaaraan. Maroodi aan la hormari karin oo cadhoolaa ayuu isu qaataa, rag intiisa kaleetona waxay ugu muuqdaan cayayaan marka uu jeeniga saaraayo aanu dareemin, iyaguse dareema! Hortiisa iyo anbada uu ku socdo ‘tiigso’ mooyaane, wuxuu falay iyo abuurtii uu dandarreeyey midna dib uma eego. Lamaba noqoto inay yihiin wax mudan in daraaddood uu ‘hashlihiisu’ la hakado. Su’aasha ah, ‘ayaa sidaas u fasaxay?’ haddii aad is-haybinaysona, waxaan oran karaynaa, ‘aqoon-xumo iyo garaad-darro, kibir iyo ka-badbadinta ku-adeegsiga awoodda, aadkeedaba, iska kooban ee aadanaha.’

 

 

Arartaasu waxay gogoldhig u tahay sheeko aan doortay inaan mooggan idinku jalbeebiyo; sheeko in badan afka laga marinaayey, asii aan waana, ogaantay, xaashi lagu qorin; sheeko soomaaliyeed oo dadkeedii iyo kuwii goobjoogga u ahaa toonihi aysan maanta, adduun kale mooyee, adduunkan cidi kaga dhaqnayn. Waa sheeko waa fog dhacday, asii hari weydey oo, sidii la isugu werinaayey, nasiibkayagu na soo gaarsiiyey.

- 2 -

Waa qaybtii labaad ee qarnigii 19d. Geyiga aynu joognaa waa dhulka Ciid loo yaqaan oo carrada cas ee furfurka ah ku tilmaaman. Ninkii aan aqoon baa loola dan leeyahaye, waa dhulka Garlooggube ugu magaca dheer yahay ee ay maanta Qabridaharre magaalada u tahay. Dalku waa nabad oo gaalo weli cagta ma soo dhigin. Saancadde iyo saanmadoobe toonihi weli kuma dhex-saqaafin. Waa la barwaaqaysan yahay oo roobku xilliyada la sugo ma maqnaado. Indhoweyd abaaro ma dhicin oo dareenka la qabaa wuxuu ku kooban yahay subaggii oo qunbeyaasha ka batay iyo xoolihii oo tiro-dhaafay, wax celiyana la waayey! Geela ayaa halkii loo dhaqaaqoba sariiran, lo’da ayaa balliyada agtooda ka banaaxiyi, weganno fardo ah oo barbaar timaha deebeeyey ku joogto ayaa badri. Seenyo-dhuux iyo Dhiin-waal iga carruur iyo dumar mooyee, nin rag ahi dheef kama jeeqaaqo oo ka garannuug!

Dhiig iyo dhaqan, xilo iyo xoolo wixii dadka kala gala guurti abwaanno ah oo talo-yaqaan miiran ah ayaa loo geeyaa. ‘Ilaahow aqoonna ha nagu cadaabin, eexona ha nooga tegin’ intay ku ducaystaan ayay xeer la wada yaqaan oo la wada okobban yahay garsoorkooda la beegsadaan. Sharciga islaamka iyo xeerku kolkii ay isdiidaanna, sharciga ayay ula bayraan, guddoonka ugu dambeeyana wadaadka Tuxfaha iyo Minhaajka xanbaarsan ayaan laga dabo-hadlin. Guddoonka geedka shir, nin diidaa canbaarow, habaar iyo in la isugu tufaana u dheer iyo, weliba, isaga oo ‘gardiid’ magac ugu yeero!

Habkaas nololeed ee geyiga Ciideed looga dhaqnaa waxaa calwinaayey barbaar kol qura magaciisa lagu wada hadaaqay oo far dheeraatay dadkii Eebbe ku ahaaday. Nin kibray oo tadhahay oo wixii uu doonoba ku kacay ayuu ahaa. Safarkii uu la kulmo waa dhacay. Laba eray ninkii ay dhex-martay qaar buu saarsaaray. Madax iyo manjo uunka wixii ka hor-yimidna, waxyeello ayuu u geystey. Xumaan mooyee, nin aan dubaaqiisa samo ku soo hoyan ayuu ku caan-baxay. Waalid buusan maqlin, guurti baan wax u sheegi karin, waano culimmo ayuu dhegaha ka furaystay. Eed nin ay lahaayeen iyo nin aysan lahaynba, waa dubaaqeeyey, shisheeye iyo sokeeye waxa u dhexeeyana ma uu aqoon. Raafley iyo qoobley, wixii xoolo bananka daaqaya inuu leeyahay ayuu isu qaatay; kolkaas buu, sebenba, qolo ka soo meersaday nool wixii ay dhaqeen.

Barbaar u babac-dhiga ayaa intii muddo ah la waayey; markaas buu maskaxda gashaday Ilaaha weyni inuu isaga geyiga Ciideed ku xuddumay. Inuu sidaas yeelo, kuna bedbaado, miyaad, dhegeyste, i weyddiin? Daw baad su’aasha u leedahay, anigana jawaab baa igu garawdaye, a) horta xoog iyo tiirrinnimo qabso, b) marka xigta geesinnimo macangagnimo weheliso ku labayso, c) marka saddexaadna waa qoyska uu ka dhashay oo qaran ahaa, intii qoys itaal yeelan karona lahaa, iyana ku darso. Wuxuu isku hallaynaayey boqollaal gaashaan-qaad oo ay awoowe wadaageen, gar iro gardarrona ku garab-taagnaa oo aan dhiiggiisa ciidda u oggolayn! Gardarro garbo og oo uu sidii ugu ba’nayd ugu adeegtay ayaa ku kaalmaysay inuu muddo madaxa taago oo ‘qaydar qodaxdii’ dadkii agihiisa ku noolaa uu ku ahaado.

‘Tilmaamahaas aan cidi jeclayn, tolow, ninkii lahaa kumuu ahaa? Maxaase la oran jirey?’ weeye su’aasha mooggan madaxiinna ku wareegaysa. Waa su’aasha aad jawaabteeda iga sugeysaane, aan idiin sheego, idinkuna iraahdo: waa Xuseen Axmed Xirsi oo Mataan-ciideed ay soomaalidu ku garan og tahay. Ninku waa ninkaas magaca Ciideed kiisii ku darsaday ee ku laray. Ma mooddaa, isaga mooyee, inaan labood kale Ciid lagu dhalin! Mataan-ciideed, ma doqon buu ahaa? Ma diric buu ahaa? Ma geesi buu ahaa? Ma macangag buu ahaa? Ma waxgarad buu ahaa? Ma liite xun buu ahaa? Sheekadiisa ayuun baa wax badan inooga sheegi doontee aynu dhegaha u raaricinno.

- 3 -

Eebbe cimrigiisa ma gaasiree, abwaanka afsoomaaliga, Maxamad Xaaji Xuseen ‘Sheekoxariir[1]’ ayaa noo sheekeeyey oo yiri: Adeer badanaa ee Mataan-ciideed waxaa ku jirey waxyaqaaan xirrib badnaa oo aragti-dheeriyi harsatay, lana oran jirey Axmed Muxumad Xirsi. Saadaal aan habaabin nin looga bartay ayuu ahaa. Wuxuu ku jirey raggii guurtida ahaa ee Mataan waanadiisa ku oomay. Wuxuu ku jirey raggii isku hawlay Mataan iyo uumiyaha inay u kala miciinaan oo kala maadiyaan, asii waxba ka gaari waayey. Wuxuu ku jirey garcaddaayadii gadaalkii Mataan ka quustay oo ‘waano abuur baa ka horraysey’ inta ku maahmaahay u saadaaliyey, ha dhowaato, hase dheeraatee, goor ay noqotoba inuu gardarradiisa eedi doono. Arrin foolxun kolkuu faraha la galo oo la isku uugaamo ayaa, illayn jifo ayuu ahaaye, Axmed Muxumad loo iman oo lagu oran, ‘Axmedow, maantana Mataan waxaas iyo waxaas ayuu ku kacay.’ Axmed Muxumad, isaga oo aan islurin buu oran, ‘Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuuray, weli ma dhicin!’ Weedhaas lama garan jirine, waa la garan waayi jirey. Axmed Muxumad baa loo iman oo inta loo warramo lagu oran, ‘nin baa maanta geedkii shirka iska taagay, dabadeedna Xasan-mataan baa inta labadii waran isugu qabtay xuddunta kaga dhuftay oo duud-dheerta kala jebiyey. Axmed Muxumad wuxuu oran, ‘Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuuray weli ma dhicin!’ Dharaar kale ayaa Axmed Muxumad loo iman, kolkaas baa lagu oran, ‘shirkii buu maanta Xasan-mataan tegey, dabadeedna jeedal buu inta qaatay ninkii ragga ugu mudnaa ama shiikha ahaa, siduu ugu garaacayey, duubkii kaga murxiyey oo ciidda jiifiyey!’ Axmed Muxumad wuxuu ku jawaabi, ‘Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuuray weli ma dhicin!’ Dharaar saddexaad ayaa haddana loo iman, laguna oran, ‘aqal buu xalay gubayoo, markii la maagay in loo soo gurmado oo dabkii la baqtiiyo ayuu gabooyo buuxda oo maliid ah dadkii meesha ku soo uruuray ku bilaabay oo rag iyo dumar wixii goobta isa soo taagey midba fallaar baarrimaha u joojiyey. Axmed Muxumad wuxuu ku jawaabi, ‘Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuuray weli ma dhicin!’ Dadka kale ayaaba yaabbane, isaga yaabba taaban maayo! Ma garabdaar buu lahaa oo waxa loo sheegaayo wax ka weyn oo dhici doona ayay duulashiisu waayo hore, ogaalkiisa, ugu hubsadeen? Hadda garan mayno, gadaal baynnuse ka garan doonnaa.

- 4 -

Dadkii soomaaliyeed ee qarnigii 19d kuma ay faanayn gaadiid dheereeya oo ay isugu tagaan. Gaadiid faras iyo rakuub weydaarsan ma ay lahayn, hase ahaatee waxba iskuma seegganayn. Baabuur iyo dayuurado yaan la haysan oo ha la kala fogaadee, war baa la isu hayey. Toltol kolba xasaradi dhex-gasho ha la ahaadee, xidid iyo qaraabona waa la ahaa. Waa la isu socon jiraye, lama kala seerrayn. Saqiir-gawrac maalintii uusan jirin, waa la isbixin jirey oo la is-ammaan gelin jirey. Fadaqa yeelkiise, xeer iyo dhaqan ayuu dadku lahaa oo wax ku kala qaadan jirey. Ganacsi aan lacag la aqoon ayaa lagu macaamili jirey oo xeebaha iyo dhulka ka fogi xiriir bay lahaayeen. Ciid iyo dhulka la jahada ah ee aynu hadal-hayno, Saaxil baa magaalo u ahayd; magaaladaas oo hadda Berbera loo yaqaan, badyarada Cadmeedna ku taal. Doonyo shixnadan oo Hindiya iyo dalalka Carbeed laga soo buuxiyey ayaa ku soo xiran jirey. Maxay sidaan baa? Timir, dhar, irabdo lagu tosho iyo badeecooyinka kale ee, waagii la joogoba, raacatadu ay bendarrada uga baahan tahay. Ganacsatada Reer Saaxil waxay badeecadaas ku rari jireen awr ‘kabadhe’ loo yiqiin oo imaanshaheeda la dhawro. Safrahaas ayaa la geyn jirey miyiga xeebaha ka durugsan, si ay waxa ay sidaan ay ugu soo beddashaan baalka gorayada, malmalka, garceesaanka[2], gaashaammada iyo hadba wixii Reer Saaxil macaash u leh oo ay dibedda u dhoofsanayaan amaba ay lafahooda u doonayaan.

Isdhexmarkaasi ma tabaalo la’ayn. Dadku gobo raagey ayuu kala qabaa. Ciidammo qabaa’ilka u dhexeeya oo ammaanka qofka iyo hantidiisa dhawraa ma jirin. Dawlad uu dhgar-qabuhu ka baqaa iyaduna dalka kama abuurrayne, rag allow yaa u damiin ah ninka Saaxil safraha ka soo kaxaysta ee Ciid ama Bay ama Ximan iyo Mudug u soo saan-qaada? Ruuxa iyo xoolihiisa tolka ayaa difaacoodu saarraa, tolkiina ka yimid oo waa kan badeecada baahida loo wada qabo qabaa’ilka kale la dhex-gooshayee, rag allow kuma ayaa looga cabsanayaa oo daraaddiis lagu nabad-gelinayaa? Soomaalidii hore arrintaas iyada ah kama ay il-duufin, waxayna u soo rogeen waxa ‘maganta’ la yiraahdo oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee uu xeerkeennii durey ku taagnaa.

Ninka safarka lihi kolkii uu Saaxil ka soo ambobbaxo wuxuu soo sheegan jirey degaanka uu ku socdo nin magac ku leh. ‘Hebel buu safarkaygu ku jeedaa ayuu oran jirey’, hebelkaas oo ka mid ah ragga awoodda iyo maamuuska ku leh tolka uu safarku maalintaas ku socdo. Badanaa waa ‘hebel’ la isku hallayn karo oo aan magantiisa loo dhaafi karin, haddii loo dhaafona la og yahay in la eedi doono. Hebelkaas waxay maradu ka dhacdaa oo uu ceeboobaa, gabadhiisuna ku guur weydaa marka nin soo sheegtay la dilo ama safarkisa la dhaco ama, siday ahaatoba, waxyeello la gaarsiiyo, dabadeedna uu ka gar’allayn waayo oo uu geeri ka xigi waayo. Maganta oo wax la yeelaa waxay ahayd dhaleeco iyo bar madow oo ku oolli jirtey qoyska ama ninka maganta loo yahay. Su’aashuse waxay tahay: yaa magan noqon jirey? Waxaa magan noqon jirey safarka, inan-la-yaalka afada reer-aabbaheed degmaystay, martida caawa kuu soo hoyatay ee ardaayadaada jiifta iyo ergada kuu so sodcaashay oo qardoofooyin hore oo idin kala dhex-galay meel-isla-dhigiddooda kuugu soo cago-dhigatay.

- 5 -

Magan iyo xaalkeed iyo sheekaduba ha ila dheeraatee, wax la yiri, isla xilligaas aynu hadal-hayno ayaa nin la oran jirey Xuseen Xasan oo lagu naanaysi jirey ‘Xuseen-qoordheer’ waxaa si kamma’ ah waran kaga fakaday Jaamac Dalmar nin la oran jirey. Ninkaas oo Reer-Nugaaleed ahaa wuxuu safar la soo aaday ceelka Dhudub; halkaas oo ahayd halkii markii dambe uu melaggiisu ku galay. Ninkaas la diley waxay walaalo ahaayeen gabayaagii dagaalyahanka ahaa, ceesha Ximanoodna kol magaciisa lagaga haasaaway. Magac laga miskiin ma ahee, waa Faarax Xasan Cali oo, malaha, ay dad doorihi ay Faarax-afcad ku garan og yihiin. Faarax niman Reer-Nugaaleed ah oo ay xagga hooyo walaalo ka ahaayeen, asii aanay degmo wadaagin ayuu ninkaas gacanta Xuseen-qoordheer ku baxay ka mid ahaa.

Inuu Faarax aarsadaa waa qodob isna ka mid ah qodobbadii waaweynaa ee xeerkeennii hore oggolaa. Dalka ayaa kala fogaaye, Faarax uma suuraggelin inuu walaalkiis u aaro. Lagaba yaabee walaalihiisa kale ee Nugaal ku dhaqan in uu libtaas u deynaayey. Si kastaba ha ahaatee, Xuseen-qoordheer isaga oo aan war u haynin ninkii gacantiisa ku baxay inuu Ximan walaalo ku leeyahay ayuu Ceelcad iyo Mudug ka soo qaxay oo Faarax-afcad niman aysan bahnimo ku kala fogeyn la xididay, inanna ka dhistay. Wuxuu isyiri, ‘allaylehe, Nugaal ka soo durugtay oo ninkii aad qabtey raggii aarkiisa lahaa kuma soo gaari karaane, Ximan iska ool oo reerkaaga cusub ku dhaqo.’ Magan baa magac ugu yeeray, guul iyo guuldarrona wuxuu ula sinnaa raggaas uu la xididay ee uu guryahooda guurka ka alkuntay.

Maalintii dambe ayuu Xuseen-qoordheer soo joogasaday geed nin tumaal ahi bir ku tumanaayey; godin, waran iyo ableyba. Afcad oo meeshaas waran loogu deelaynaayey ayaa ku baraarugay saantii Xuseen-qoordheer iyo jaanqaadkiisii. Kolkaas buu inta warankii qaabsaday xaggiisii ula jeestay. Ilmilicsi wax aan dhammayn ayaa wahan ku beermay, dhabna isula hadlay. Wuu farxay oo wuxuu isyiri, ‘allaylehe, ninkii walaalkaa Jaamac Dalmar qabey maanta ayaad haysaa. Wuuna naxay oo waxaa ceeb la noqotay nin reerkooda magan u ah sidii uu u dili karo oo uu uga aarsan karo. Hadduu dilo dhibaato ka soo gaari mayso, waase magan oo ceeb ka weyni ma jirto. Nin kula siman oo aad isu rag uruursateen ayaa lala diriraaye, nin keligiis ah oo adiga iyo guryihiinna loo tirinaayo sow dilkiisu foolxumo ma aha? ‘Ba’e ma ina-adeertaa baad asay u saari?’ ayuu Afcad ku hammiyey.

Ugu dambaystii, waxay Faarax talo kaga idlaatay inuusan Xuseen-qoordheer dilin. Warankii ayuu inta bidixda ku qabsaday dhulka qotomiyey; kolkaas buu gabyey oo yiri:

  1. Waa taad jafkii Dhudub dhigteen johoraddaydiiye
  2. Anoo jooga baad hooyaday jabay ka siiseene
  3. Nin walaalki haad loo jarjaray looma jiifsado e
  4. Waxaad Jiica Faraggoo u timid hoy! wax baa jira e;
  5. Jirrid-weynahaygaas haddaan jiriyo ruuxaaga
  6. Jeeskayga oo meel fadhiya lama jiteeyeene
  7. Geelayga Jaawiyo Idiin Jiid ma bixiyeene
  8. Ninna ima jajuubeen haddaan ruuxa kaa jaro e;
  9. Inta kale jarkood waad tihiyo jalanqahoodiiye
  10. Waxsaan kaa jeclaa Dhoorrihii jinaha dhuubnaaye
  11. Waxaan kaaga joogsadayse waa magan jalleeceede
  12. Iga jaho Xuseenow nin soo jiitay baad tahaye!

“Ku dili maayo oo magan baad ii tahay, maantana halka aan kaa helay waxaan jeclaan lahaa inaan ka helo walaalkaa Dhoorre oo aan magan ii ahayn. War hoy, intayda xun ha kicine, foolkayga ka dhaqaaq” weeye dulucda tixda Afcad. Xeerkaas bay magantu lahayd, lagumana xad-gudbi jirin, safraha Saaxil ka yimaadaana ‘hebel baan u socdaa oo magan u ahay’ ayay ku caanommaali jireen oo dhulka ku mari jireen.

- 6 -

Mataan-ciideed, laqankaas la baxay wuxuu malaha ku tashaday dad oo idil inuu gumeeyo. Gardarro ayuu hub ka dhigtay. Habeen baas bay talo kaga dhammaatay dadka Eebbe wixii aan dabo-gelin inuu nolosha u dacareeyo. Qof-qof wuxuu u gardarraystaba, wadar inuu u waxyeelleeyo ayaa la macaanaatay. Waa nin kibir indhaha tirayee, wuu gedaggadeeyey. Maalinba fal laga naxo ayuu ku kacay, dharaaro kooban kolkay ka soo wareegaanna mid ka daran iyo wax aan la eegayn ayuu la soo baxay. Dumarka iyo carruurtu, maatadu waa ka nabad-geli jirtaye, iyagiina waa ka ajoon waayey. Gamuunnadii gardarradiisa ruuxna kama uu bedbaadin. Kol qurana isma uu oran, ‘ba’e, yay adiga kugu soo noqone, duulduulkooda uunka ka aayar!’

Wuxuu ugu darraa diraacdii kululayd kolkii uu kala dhex-galay biyihii iyo dadkii u oommanaa. Muqlo-hogato ayuu geed ka waabtay; geed xagar ah oo inta waa la gurmo’go’aneeyey halkii ay godintu ku dhacdayba ay laani ka baxday. Geedkaas ayuu inta sii hadoodilay harac ka yeelay. Koorihii inta saartay ayuu wixii aan fardihiisa ahayn harsigiisa uga dhaartay oo isna dhinac ka degey. Waa kob aan biyo ceel u ogog lahayn, balli iyo xareedna warkoodaba daa, saa xilligoodba lama joogee. Ninkii dhulka yiqiini wuxuu yiri, ‘haddii Gunaggado loo dhaamiyo iyo haddii Malaa-dakharre iyo Qorraxey loo dhaamiyoba, waa saddex-guul. Macnaheedu wuxuu yahay: laba habeen dhaan ceelka ka soo maqnaa ayaa habeenka saddexaad Muqlo-hogato iyo xagarka Xasan-mataan ku soo beegma. Habeenkaas ayuu dhaankaasi halkaas ku furtaa oo awrta rarka lagaga nasiyaa, ragga wadaana cabbaar ku indho-guduudsadaan. Berri oo kale ayay ku aaddan yihiin maatadii dumar, carruur iyo doonkaba lahayd ee, oonka aawadiis, kolba hirarka dhalanteedka ay laabtu uga hinqanaysey! Rag allow, maxaan u malaynaa waxa Xasan-mataan fardihiisa kobtaas oomasooraha ah ku xereeyey? Oo waa kii gedaggadeyn jirey, muxuu, rag allow, moogganna maaggan yahay? Dadkii baa wax-toyasho isla dhex-qaaday. Su’aal aan laga jawaabi karin ayay ahayd, isagii baase wax yar ka dib ficil kaga jawaabi doona.

Show sheydaankii gardarrooyinka u soo kala doori jirey ayaa ku yiri: ‘Mataanow, ma adiga oo Mataan ah ayaad fardahaaga xoog-tiri oo diif aan Eebbe badin adigu ku fali? Xilligan lagu jiro fardo Qorraxey u arooray maxaa ka hari, fardose ma kuu noqon?! Bi’i waaye, dadka kale ka gobsanid oo la mid ma ahide, adiga oo sidii midiidin fardo waraabinaya, yaan kaalin ceel lagugu arag!’ Mataan baa sheydaankii dhegta u raariciyey oo markuu dhammaystay mindhaa weyddiiyey, “Oo maxaan yeelaa?” “Waxaad yeeshaa xagarka haraca ah dhaamanka wabaxa ah ee soo mara maalinba mid haamaha ka deji oo, geesigii Ciideedow, argeegta ayaa ugu biyo qaboobe, hadba dhoon-horaad ka durduur. Maxaa fardahaaga aroorna u geeyey, adiga oo Mataan-ciideed ah!” Ma laballabayne, talo isha laga ridey ayay ula ekaatay. Dhallinyaro tabaraysatay oo isaga ka dambayn jirtey ayuu urursaday. Dhaankii iyo maatadii uu saddex-guulka u ahaa ayuu isgefsiiyey. Awrtii soo martaba waa toydaa. Wuxuu haybiyaa ninka leh iyo cidda loo wado. Nin alla ninkii uu madax-taag ku maqlay ratigiisii buu arrumay. Haamihii buu ka rogey oo baxdowyadii uu xagarka qol-ku-jiraha kaga dhigay uu afka u geliyey! Sow ceelkii ku noqo oo saddex habeen oo kale maatadii ‘ha oommanaato’ ma aha? Sow ilmadowdu ‘ha yuusto’ ma aha? Sow gantaalaha gardarrada ee ay awooddu lalinayso kuwa habaarku, kolkol, kama xanuun badnaadaan? Mataan ma ogeyn, luunka saqiirkana waxaa uga darraa aroorka fardihiisa! Kibir baa xigmaddii kala dhoofay, wuuse eedi doonaa.

- 7 -

Qiyaasta 1880kii goor aan ku wadno ayaa waxaa Saaxil ‘safar ganacsi’ ka soo kaxaystay Wacays Xirsi nin la oran jirey oo gabayaana ahaa. Waa Isaaq, Habar-awal, Reer Axmed. Dhaqankii safraha iyo maganta waa tii aan kor ku soo faahfaahinnaye, Wacays oo safarkiisa Ciid ula socdey waxaa la gudboonayd nin uu magaciisa geyiga ku maro inuu soo sheegto; nin xoog iyo ragba Eebbe ku galladaystay oo u dhashay qoyska Reer Ugaas ee talada Ciideed iyaga looga dambeeyey ayuu soo sheegtay. Si uu uga bedbaado col iyo qawle wixii laga yaabo inay waddada ka helaan ayuu soo sheegtay Xirsi Muxumad oo ‘Xirsi-jabane’ ku magac dheeraa oo ahaa isaga iyo Mataan-ciideed nin aanay abtirsiino ku kala fogeyn. Labaduba waa Ogaadeen, Reer Cabdille, Bah-xawaadle; markaas buu Mataan yahay Reer Dalal, Xirsina Reer Ugaas yahay. Waa ilmo-adeer xurmo iyo ehelnimo kala mudan, Mataan baase wuxuu ahaa nin aan cidnaba ragannimo la qaybsan karin, gardarrada sokeeyahana malab loo mariyey.

Safarkii Wacays oo reerihii dhex-maraya ayuu – mindhaa – sheedda ka arkay. Sheydaankii gardarrooyinka u kala doori jirey ayaa malaha halhaleel ula soo joogsaday. Mataan baa awrtii milicsaday. Wuu muusooday. Wuu ku dhaqaaqay. Wuu joojiyey oo haybsaday. Wacays oo aan dar-alle qabin oo isleh, ‘aqallada Xirsi-jabane ayaad berri barqadii ku furi’ ayuu waraystay. Isaga oo isku kalsoon ayuu u deexday. Wuxuu Mataan ugu warramay, ‘safarkaygu Xirsi-jabane ayuu ku socdaa oo isaga ayaan magan u ahay.’ Waxaa ka dhaadhacsanayd, kol haddaad ninkaas magan u tahay, Mataanna waad u tahay.’, wuuna ku hagaagsanaa, haddiiba xeerkii jirey la raacaayo. Hase ahaatee, nin uu xeerku qabto arrintu ma joogin. Qosol jeesjees ah ayuu Mataan kolba dhinac ula jeestay. Keligiis buu isla hadlayaa! Hoos buu u gunuunucayaa. Dhegta ayaa loo raariciyey. Suu wuxuu leeyahay, ‘Ciideey, laguma dego, haddii maantaba la qabo nin aan aniga ahayni inuu cid ku magan-gelin karo.’ Markaas buu inta Wacays dhawray ku yiri, “War yaa beenta kuu sheegay oo ku marin-habaabiyey? Yaa kugu yiri: geyiga Ciideed baa nin aan Mataan ahayn laga magansadaa?!” Wacays baa amankaagay oo wax uu ku jawaabo laga madoobeeyey! Degdeg buu Mataanna awrtii iyo moodkii saarraa afka ugu dhigtay, xoolihiisiina ugu darsaday!

Wacays oo leegleegsanaya ayaa goobtii ka hadaafay. Oo maxaa kaloo u bannaan? Ayaan buu leeyahay haddii uu gacantii Mataan ka baxsadaye, maxaa uga eg, Xirsi iyo qoyskii uu maganta u ahaa inuu u dalaabo? Sidaas ayuu yeelay. Dhiilladana dabaylo jin baa dawiyee, warkii baa la isxuliyey oo dal dheer oo idil degdeg loogu tebiyey. Waa sidii laga filaayaye, Xirsi baa uugaamay. Maalin uu hiil uga baahi weyn yahay inaysan jirin ayuu raggiisii dareensiiyey. Qayladaa willatay. Ceeb daran bay ahayde, Xirsi iyo barbaartiisii waxay go’aansadeen inay iska mayraan. Dirirta iyo ergeynta intii lagu hawshoonaa, Wacays isagu wuxuu dharaartii harsanaayey geed harac ah oo loo waabay, haabeenkiina wuxuu caanaha haleelada ku durduuranaayey ardaa loo dugsiiyey, loona kashkaashay oo aqallada dhawrka bahood ah oo Xirsi-jabane aan wax roon ka fogeyn. Isaga shiddo ma hayo. Xoolihiisii inuu soo dhacsado, laga idi maayo. Hawshu Xirsi iyo xigtadiisa ayay ag-taale, sow inuu ka dhur-sugaa kuma habbana?

Waa la isguubaabiyey. Dagaal-humid iyo ergoba waa la holliyey. Warmaha ayaa la isu looshaday. Waa lagu guuleystey xoolihii uu Wacays ka dhacay intii ugu badnayd in Mataan laga soo celiyo. Wacaysna wuxuu dhaar ka maray iyada oo shey qurihi ka maqan yahay inuu guddoomo. Oo tolow, maxaa ka maqnaa? Wuxuu tebayey laba-hal. Waa makaawi. Waa kuul laba ah oo waaweyn oo raggii hore uu luqunta ku xiran jirey. Raggii horena kama wada sinnayne, qaarkii magaca dheer yeeshay ee madaxnimo amaba geesinnimo ku caan-baxay ayaa xiran jirey. Nin rag kasoocmay ayaa ku taxaashi jirey. ‘Mataanow, ha lagaa gado’ ayaa lagu yiri. Wuu diiday. Si looga soo meeriyo ayaa tab loo waayey.

Wacays ma damacsana makaawigii oo loo keeno mooyee inuu Saaxil dib ugu noqdo. Xirsi baa muddo u qabtay. Waa la gaarey. Muddo kalena ayuu haddana qabtay. Taasna waxba kuma suuroobin. Dhawr muddo haddii la dhaafay, Xirsina uu maalinba maalinta ka dambaysa ku amahanaayo ayuu Wacay hiyi-kacay oo halkaas ka bilaabay gabayo uu Reer Ugaas ku guubaabinaayo; isaga oo doonaya Mataan-ciideed iyo reerkooda inay makawigii uga soo dhiciyaan. Martida iyo magantaba af-gaabni baa ku habboon, Wacays baase diiday oo gabyey. Wuxuu shallaayey safarkii uu Ciid la soo aaday. Wuxuu xusuustay dhulkii uu ka yimid derajadii uu ku haystey. Intii uu muddooyinkii Xirsi sugaayey, maxaa dulbaax ka baylahay? Maxay ilmo-adeerradiis duullaan bixiyeen oo togga Herer haleelo ka soo qaadeen? Maxaa saami uu lahaan lahaa weydaartey? Muxuu geeliisii dayacan yahay, maxaase caano laga lisay qayrkiis ka durduuranayaa? Maxay gacalisooy, dahabadii uu dhaxdey kolba aqalkii u asoosi, iyada oo u toog-haysa oo, ‘tolow, ma caawa ayuu iman, ma berri buu soo dhici?’ ku tallamaysa. Alla meesha ma melaggay baa ku galay, maxaa i dhigay? Ma wax baa iiga soo socda, bal maan isaga dhaqaaqo?’ Wuxuu yiri:

  1. Dawlooy ba’ey! Reer Ugaas nalagu deyn waaye
  2. Hadduu duubigii nool yahaan nala danqaabeene
  3. Dagdagle iyo nin diihaal qabaa dawga soo mara e
  4. Imminkay da’daydii rogaal dabo-maraysaaye
  5. Imminkay ilaalada u diri dooxyadii Herere
  6. Imminkaa nirgaha loo dalqamin dayrcadkaan dhaqaye
  7. Imminkaa markaha laga daf siin sidigta Doolaabe
  8. Imminkay min weyn soo dugsiyi Dahabadaydiiye
  9. Dil miyaan ku sugi xoolo waa doogga soo baxa e!

Duqii uu maganta u ahaa ee Xirsi-jabane la oran jirey, gabaygaas ma uu garaysan. Waxay la noqotay inaanu waxba hagran, hantidii Wacaysna soo dhiciyaye, uu malaha wax kale ka doonaayo. ‘Go’e aan ahayn, wax walba iga heshaye, ma daar baad iga dooni?’ ayuu ugu daray tixdan jawaabta ah ee uu ugu hal-celiyey. Wuxuu yiri:

  1. Hadduu duubigii mood yahay rag baa degelladii yaale
  2. Waa taan dar xidhan kaaga dhigay harada Doolloode
  3. Dad abaal ma gudo waxaadse tahay dagayow Iiddoore
  4. Waxaad dooni een daar ahayn dugaye yaa sheega?!

Wacays isaguna markiisa tixdaas ma garaysan. Wixii uu Xirsi ka tirsanaayey ayuu oogta ka caddeeyey. Makaawigiisa Mataan-ciideed uu Garduur la mushaaxaayo ayy carrabka ku dhuftay. In Xirsi iyo raggiisa laga waayey nin Mataan u beer-dhigi kara ayuu ku dacwiyey. Wuxuu ku gar-naqsaday:

  1. Moodkayga oo dedan miyaan weerar lagu miisin?!
  2. Meeshii intii timid miyaan maro-maruu qaadan?!
  3. Murqufkii ka soo hadhay miyaan lagu muraaddaysan?!
  4. Ma makaawigaygaan Garduur lala mushaaxaynin?!
  5. Ma Mataanka xidhan baa dartiis loogu mari waayin?!
  6. Nin majiirta oo kaca miyaan –magane- loo waayin?!
  7. Naftu inay macaan tahay anaa kuu markhaatiyahe
  8. Meeshii mildhaawo leh rag sow kula masaal maaha?!

“War gacalkaa ha waayine, rag hadduu diriro waa isku mid oo nin aan birtu karini ma jiree, kac oo Mataan waxaygii iiga soo dhici.” ayuu Wacays ku soo gebaggabeeyey miinleydiisii jawaabta ahayd.

Tixdaas Xirsi wuu ka carooday. Waxay ula ekaatay inuu Wacays abaallaawe yahay, deelqaafna ku darsaday. Wuxuu garaysan waayey in laga dafiro hawkarkii uu ka maray soo-dhicinta moodkii magantiisa laga meersaday. Markaas ayuu tix jawaab ah ka celiyey tii Wacays; taas oo ku yiri:

  1. Hal aad tidhi Wacaysow naf baa kaa halaanhaline
  2. Oo heedhe Herer waa la geyn hadal-xumaantaase
  3. Waa tay haleeladu dartaa Haro ku oodnayde
  4. Hubka maannu dhigin jeerahoon helay waxaagiiye!

Mataan-ciideed, gabayada la isu celinayaa way soo gaarayeen. Wuu dhuuxayey, wuuna ku raaxaysanayey. Wuxuuba rag-ka-rooni u qaatay wixii uu falay Wacays iyo Xirsi inay ku eedoobaan! Halyeyga Ciideed buu isu haystaye, aar laga maagtay inuu yahay ayuu isu rumeeyey. Miinleydii Wacays tirin jirey ayuu dib u dhegeystey. Saddex meeris oo uu jeclaystay ayuu ka dhex-helay:

  1. Ma makaawigaygaan garduur lala mushaaxaynin?!
  2. Ma Mataanka xidhan baa dartiis loogu mari waayin?!
  3. Nin majiirta oo kaca miyaan – magane – loo waayin?!

Waa markhaati uu wax badan sugaayey. Waa erayo islaweynidiisii caadda sii saaray. Waa saddex meeris oo kibirkiisii labanllaabay. ‘Awooddaadii Wacays wuu aqoonsadaye, allaylehe, adiguna isbar oo u sheeg sababta inaad dhacdo kugu jiidday’ ayuu Mataan ku tashaday. Farriin buu u diray. Wuxuu ugu yeeray inuu u yimaado, si uu makaawigiisii u guddoonsiiyo. Wacays, malaha, geesi buu ahaaye, taladiisii wuu oggolaaday. Mindhaa soor oo habeenkii u loogye, waabberigii kolkay tahay ayuu labadii hal soo qaaday oo wacays oo waxa dhici doona aan dooc iyo dareen u haynin la soo joogsaday. Intii uusan waxba guddoonsiin ayuu u mariyey tix uu ugu sheegaayo safarkiisii uu dhacay inuu rag ku xiniinyo-baaraayey, uuna ku dareensiinaayey, isaga mooyee, inaysan cid magan-gelin kartaa jirin, hadda ka dibna uu dawgu yahay haddiiba uu Ciid kabadhe la soo aado inuu isaga uun soo sheegto! Wuxuu Mataan yiri:

  1. Ma shiiline shaf iyo gawrac way kala shishlaadaane
  2. Rag baan sharad ku beenaynayee kuma shiddeeyeene
  3. Labadeenna oo shaarugtaan shuqul xumaadeene
  4. Hadday sharaf lahaayeen beryaan soo shafeecsadaye
  5. Adaan sheeyadii kuu huree sharac’allee qaado!

…oo labadii hal gacanta ugu riday. Malaha waa maalintii uu Mataan ugu talo roonaa!

- 8 -

Muddo hadday qoortu kor ugu taagnayd oo falalkiisii silloonaa iyo magaciisiiba bari iyo bogox lagaga haasaaway ayuu maalintii dambe geelooda dhexdiisa kadalloob u fariistay. Hammi baa ku soo kordhaye, dhulkii buu jifeeyey. Hal iyo faras baxdow ah ayaa mooradiisii ka batay. Barbaar turuqyo waaweyn oo wada okobbanna garabkiisa ayuu ku arkay, kolkaas buu istaawiyey rag inuu wax dheer yahay, ayna la ahaatay bili adduun inuu u soo maray. ‘Maxaa kaa maqan?’ ayuu isweyddiiyey. ‘Allaylehe, doobnimo laga roone, waa ruux dumar ah oo aad alkumato’ ayuu naftiisa ugu jawaabey. Hawo guur baa ku soo korodhay. Oo tolow, tee buu gaataa, dadse yuu kala xididaa? Tashi buu bilaabay. Oo duqow iyo abwaanno uma bayrine, da’yartii ay isku gedaha ahaayeen ayuu u leexday. Wuxuu goostay inay noqoto milgo iyo qurux, geyiga Ciideed, inanta lagu kuunyo. Dhaban dumar loogu xisho ha ku tilmaannaato. Magaceedu mid ay safruhu ku haasaawaan ha ahaado. Ha ku aroorto qoys xoog leh oo awood iyo wardheeriba loo daayey. Meel alla meeshii dab ka bidhaamayeyba dhallinyaro ayuu u diray. Ciid oo idil ayay cagta soo mariyeen; iyaga oo indho-inadhaynaaya inantii Mataan-ciideed u qalmi lahayd.

Ina-hebeshii loo soo sheego wax uu ka maagto oo meel ka dhalliiloba, ugu dambaystii ayaa barbaar geenyo qodban ku joogaa uu geedkii uu fadhiyey kaga degey. Wada-hadal gaaban ka dib waxaa la milicsaday Mataan oo ilko-caddaynaaya oo aad mooddo safar dagani inuu u muuqday!! Waxaa la arkay Mataan oo muusoonaaya. Mataan oo boodboodaaya sidii uu yahay canug aan weynaan oo wax ka lumay ciidda ka dhex-helay! ‘Allaylehe, gabadha laguu sheegay way kuu qalantaa. Reer la yaqaan way ka dhalatay. Bilic aan dumar loogu wada deeqinna waa loogu deeqay, laguna galladay, qorshe iyo quluudna waa lagu tibaaxay. Waa inan kibir iyo qabba lagu sheegay. Waa inan rag oo idil cagaha isugu dhufatay. “Hebel bay diidday, hebel kalena waa tii aabbahay buu iga yahay tiriye, malaha adiga ayuun bay ku sugaysey. Qoodhay iyo xeraday maanta ayaa guur kuu eg yahaye isbandhig oo, doobnimo lama ammaanine, reer yeelo” Mataan baa sidaas naftiisa kula shawray.

Oo guur waa doonis iyo la-bixide, labada tabtee buu raacaa? ‘Illeen xodxodo iyo afgarasho ayaa ka horraysa, gabadhana hadal idiinma horraynine, la-bixid iyada haba soo qaadin. Midda kale, tabta la-bixidda waxaa u irkada nin cayr ah oo xoolo adduun ku yar yihiine, maxaa Mataan uga dan ah? Inuu doono ayay talo kaga dhammaatay. Raggiisii kuwii uu ugu kalsoonaa ayuu uruursaday. Qoyskii ay Salaado ka dhalatay ayuu fardihii u heenseeyey, wuuna u dadab-galay. La isma haybsan oo waa la isyaqaan. Isna ma leexleexannine, inuu Salaado doonaayo ayuu diirka ka qaaday. Dumarka oo la isu diidaa xeer ma ahayne, waa lala xaajooday oo loo carrab-laallaadiyey. ‘Geel iyo fardo iyo yarad immisa ayaad bixinaysaa?’ dooddu kama joogin oo lagu murmi mayn. Waxaa la ogaa Mataan inuu ahaa wiil-hoog ammaan jecel oo diyaar u ah rag inuu ka fooro, xididkana uu wax lagu sheekaysto guddoonsiin doono. ‘Hawraarsan’ baa codsigiisii lagaga jawaabey, Salaadona waa la siiyey. Yarad mayro geel iyo gammaanba leh oo baxdowgiisii Seed la baxay uu ku jiro ayuu u soo laameeyey. Maro-weyntii Faarax Afey lahayd, Cali-dhan lahayd oo Nuur-jiir lahayd, Salaadona ay jifada ahaayeen ayuu tacabkaas xeryaha ugu shubay. Iyaguna wixii xidid laga filan jirey oo qalqaalo ah ayay ku dhaqaaqeen.

Raggu ha wada hadlo, gabar ha la isa siiyo, yaradna ha la kala qaatee, tolow, Salaado arrintu halkee bay ka taagnayd? Maxaa madaxeeda ku wareegaayey? Inuu Mataan soo doonay oo hablo oo idil iyada ka doortay ma gallad bay u qaadatay, mase laba-caloolyow baa ku dhacay? Waxay istiri, ‘waxa geyiga Ciideed rag ku dhaqan, maxaa, tolow, ninkan kaaga soo soocay?’ Su’aashaas ayaan, aniguna, jawaabteeda toyday, waxaana ku-tiri-ku-teen igu soo gaadhay dadab-galkii horeba inay doonistii Mataan ka mayiigtay. Dumar iyo rag mid ay kula sheekaysatayba, waxay ka ergeysey ninkaas laqanka oo habaar mooyee aan dhankiisa waana duco loola jeensan in la weydaarsho. Malahayga, waxay ka cabsi-qabtay carruurta ay dhali doonto habaarkaas Mataan ku larani inuu fac-ka-fac ka hari waayo.

Hase ahaatee, ha ka mayiigtee, diidmo uma bannaanayn. Wax walba oo rag ku heshiiyey waxay ahaan jirtey inay dumarku raacaan oo, rabbi iyo ragba wixii ay ku taliyaan, marna kama ay hor-imaan jirin. In kastoo raggii hore qaarkood ay yaradka iyo aayaha hablahooda ay kolkol yaradka u xilan jireen, haddana run ma ahayn waalidka iyo jifadu halka ay gabadhoodu ku socto aanay u meelo-deyi jirin. Salaado oo taas maaanka ku haysa ayay ‘hawraarsan’ tiri.

Aqal aan aqallo u ekayn ayaa loo dhisay. Kashkaash iyo dermo ladan oo raaxo loogu gam’o ayaa loogu goglay. Qunbeyaal subag ah iyo tebbado oodkac ah ayaa gasada loo dhigay, si diihaalka gaajadu uu agagaarkaba uga fogaado. Fardaha ayaa lagu dabbaaldegey oo laga dul-geeraaray. Ammaantii gabadha ayaa lagu dheeraaday. Dhallinyarada ayaa sacabka iyo jiibka isla heshay, Salaadona goor fiid ah oo dayaxu sagaal iyo kow iyo toban u dhexeeyo ayaa Mataan-ciideed aqalkii loogu soo hooyey. Aroos-gobeed buu ahaa, maxaase ka dambeeyey?

- 9 -

Faanfaan ma ahee, dulucda guurku waa taranka aadanaha oo loo diidaayo inuu tirmo. ‘Qabbiltu’da meherka Cali iyo Caasha waxaa looga gol leeyahay, dhimasho ka dib, inaan magacooda ifka lagu xusi waayin. Mashxaradda arooska ugu dambaysa waxaa lagu xijiyaa ducada caanka ah ee ay wiilka iyo caanuhu ku sheeggan yihiin. Raas-weyn inay noqoto oo ‘abaydin abaydin gaarey’ lagu gallado ayay culimmadu gabadha ugu ducaysaa, saygana inuu Eebbe bayaxow uga dhigo ayay xigtaduna u rajeeyaaan. Macnaha guurku leeyahay, isweheshiga ka sokow, waa carruurta labka iyo dheddiggaba leh ee uu reerku reerba ku noqdo. Mataan-ciideed wiilkaas la baxay ee Salaado guursaday, isaga, tolow, xigmaddaasi ma u muuqatay? Arrintase sidaas ma u galay? Wuxuu ahaa nin ku dhaqma wax kasta oo aan dadka kale ku dhaqmin. Wuxuu ahaa nin ay la kharaarayd inuu uunka kale la mid noqdo; nin la jeclaysiiyey inuu dadka ka duwanaado. Waxaa la xumaatay sida dadka kale intuu haweeney guursado oo la aqal-galo inuu carruur Eebbe ka tuugo oo ay hooyo iyo aabbe ay wiilal iyo gabdho u noqdaan! Wuxuu ku tashaday guurkiisu mid sheeko reeba inuu ahaado. ‘Mataan baa guursaday, wax lala yaabaana ma dhicin’ way u cuntami weydey. ‘Dhibaato kasta, dad iyo duunyoba, waad u geysatay, welina itaal-rag waad tahaye, yaan wacdarahaagu isdhimin’ ayuu ku tashaday. ‘Guurkaagu ha noqdo mid aan isaga oo kale weligeed la arag, eed kastaa ha ka timaaddee’ ayuu naftiisa kula heshiiyey.

Laba-saddex habeen kolkii ay Salaado iyo Mataan sidii laba nin u wada joogeen ayuu fiidkii dambe daboolka uga qaaday tashigii uu sheydaanku laabta ugu tiray. Wixii uu ku tashaday waxay ahaayeen: sidii nin iyo afadi inay aqalka ugu soo wada hoydaan, sidii laba ninna ay u wada noolaadaan! Waa wax aan taariikhda guurka weli soo marin. War oo idil wuxuu ugu soo koobay, “Salaadoy, boqorka Ciideed ayaan ahay, adiguna marba haddaad afadaydii noqotay, haweenka Ciideed ayaad boqorad u tahay oo, maanta ka dib, Salaado-ciideed weeye magacaagu. Salaadoy, boqor iyo boqoradi inay wax iska doontaan waa ila liidasho, wallac, uur, ummul iyo jilicsanaan dumar maxaad ku fali? Ubad aad daadiso iyo ilmo aad araxda ku xanbaarto waan kaala han weynahay! Inaan sidaas ku wada joogno, sheedda iska dhawranno, iskana sheekaysanno ayaa inoo guddoon ah!” Waa amankaag iyo af-kala-qaad. Waa xaajo aanu abwaan soo-jire ahi Mataan ka hor dad ugu sheekayn.

Go’aankaas silloon, Salaado ‘hawraarsan’ bay tiri. Oo maxay kale oo ay oran karaysey inan ka mid ah hablihii soomaaliyeed ee qarnigii 19d lala aqal-geli jirey? Hablihii soo-qaadka guurkaba ka xishoon jirey, marka la guursadana inay magaca ninkooda afka ku ballaariyaan ka maagmaagan jirey? Hablihii markay ninkooda xusayaan oran jirey: ‘wadaadkii reerkan lahaa’ ama ‘carruurtayda aabbahood’; iyaga oo ka xishoonaya Jaamac ama Guuleed inay carrabka ku ballaariyaan. Guddoonkaas Mataan ee gurracan, xigmadduna ku yarayd, Salaado dood kama ay soo celin, muddona sidaas ayay ku wada joogeen. Aqalka ayay u soo wada hoydeen. Caano iyo wixii kale ee ay haysteen ayay quuteen. Way sheekaysteen, dabadeedna way seexdeen.

‘Sidee baa markii dambe lagu ogaaday?’ miyaad i weyddiin? Aan kuu sheegee, waxaa la yiri: waayadii hore waxay soomaalidii reer-miyiga ahayd rumaysnayd kolkii uu doobku aroos galo inuu tabar-darreeyo oo haddii uusan isdhaqaalayn uu degdeg jirkiisu u debcaayo. Sidaas darteed, waxaa caqli lagu tilmaami jirey beryaha aqal-galka ninka aashi-socodka ah. Si kolka loo ogaado barbaarkii aroosay labadaas waddo mid uu qaaday wxay dhallinyaradu muddo ka dib samayn jireen tijaabooyin lagu garan jirey hebel inuu isboobay iyo in kale. Tijaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa orodka, legdanka iyo bootimaalaysiga.

Haddaba, aqal-galkii Mataan iyo Salaado haddii ay bili ka soo wareegtay ayay dhallinyaradii beeshu bootin dhisteen. Inuu ka boodo geedihii la isdul-tubay ayaa loogu yeeray, haddii uu weli yahay sidii uu beri hore ahaa. Illayn waa nin aan maalloonayne, si xallad leh ayuu isaga jaray. Taasise layaab dheeraad ah ma lahayne, wxay dhallinyaradii layaab la kala joosatay markay Salaado-ciideedna dhismihii ka boodday oo, sidii barbaar buuxsamay, cirka isaga jartay! Durba bulaan baa aloosmay. Wax baa la dareemay. Shaki iyo xamxam baa beeshii ka dhex-abuurmay. Qofba qofkii uu ka hor-yimid ayuu labada ruux xaalkooda ka toyday. Kolkaas baa Salaado waxaa loo diray dumar soo warsada. ‘Dhismihii aan maanta ogeyn gabadhii ka booddey aroos ma geline, Salaadoy noo warran’ ayaa waxaa ku yiri haweenkii oo raggiina uu ka war-sugaayo. Waxay jawaabta ka meermeertoba, waxaa markii dambe laga helay aqalkii arooska sidii ay ku gashay inay baaqi ku tahay. Bulaankii iyo xamxamtii baa sii batay. Warmihii tuhunka ayaa Mataan lagu halgaaday. Waxaa shaki la geliyey, oogo ahaan, qof dumar ah oo ugub siduu say ugu ahaan karo!

Xilligaas ma jirin tuhunkaas isaga ah tabaalo ka weyn oo la soo gudboonaada nin dhowaan guursaday. Jirro jirrooyinka ka mid ah looma arki jirine, waxaa loo arki jirey liidasho quursi lagu muto. Gudashada waajibka ‘ninnimo’ oo laga soo dhalaali waayaa waxay ahayd ceeb aan ceebi ka weyneyn oo aan ninka ka hari jirin, safka laboodka iyo dheddigoodkana uu labadaba ku seegi jirey! Qaar ka mid ah ragga sheekooyinka mariyaa waxay ku sheekeeyeen, ‘Mataan ma awood la’ayne, wixii uu falay wuxuu kaga aarsanaayey Salaado qudheeda oo waagii uu doonaayey diidmo yar looga soo sheegay!’ Sababtu taag daranaa, qaabka aarsiguse sirgaxanaa!

Si kastaba ha ahaatee, Mataan-ciideed guuxii baa gaarey. Aad buu uga xumaaday in ragannimadiisii la duray. Inuu ka gilgisho ayuu damcay, ha yeeshee eed kale oo kibirku ka hakin waayey ayuu dhabarka u ritay! Waa nin gardarrada iyo guuldarradaba malab loogu daadshaye, gabadhii uu asaaggeed ka reebay ayy, haddana, ceebaystay oo keligeed ma hagardaamayne, hooyadeed oo soddohdiis ah sii galaaftay. Hadal caadi ah oo lagu sheekeeyey waa laga kabtaa oo la iska illoobaaye, ‘hooyaale maanso’ ayuu labadiiba ku dhaleeceeyey. Kolkii loo soo hooyey inaysan isku san-bannaanayn ayuu Salaado ku tilmaamay. Soddohdiina wuxuu ku canbaareeyey inanteeda inay ababkii hore ka lumisay,

farsamo-xumada gabadheeda, yaraantii, ku soo gaadhayna ay iyadu ku ogeyd, raallina uga ahayd! Wuxuu gabadhii ka soo saaray qurux foolka ah ha joogtee, ruux aan innaba wax kale la gole-iman. Wuxuuse ku roonaa inuusan sidaas qayaxan wax u orannina, uu u sarbeebtay, taasaana keentay in la kala weriyo, gabayguna uu ina soo gaaro.

Geed la tuuran yahay oo dhallinyaro iyo waayeelba aan loo kala maqnayn ayuu soo joogsaday; isaga oo taxaabanaaya faras xamar ah oo uu lahaa.Wax yar ka dibna, wuxuu goobtii ka tiriyey gabaygii uu Salaado iyo hooyadeed ula jeeday oo inanta faras ugu sarbeebanaaya, habartana geenyo ku maldahaaya. Wuxuu yiri:

  1. Inta geed ah geel-waaqistaa ugu guduud roone
  2. Hadday gaajo xooluhu qabaan goosan mahayaane
  3. Garannuugta waan ugu necbahay gebi ugaadheede
  4. Gaaraabidhaan laguma daro galowga haadeede
  5. Golcastaa sagaaro ugu daran guuyo dhaantida e
  6. Waxba kuuma galo roob-la-dhacu waana shey goba e!;
  7. Galka sirow raacdada markii la isku soo gaadhay
  8. Neefyahow guduudani midkii gaabiyaa tahaye
  9. Guuldarrada waxa kuugu wacan geenyadii hore e
  10. Isgudgudubka Xamarow maxaa golihi kaa raacay!

Waxaa ceeb aan ceebi ka weyneyn ahayd dumarka oo xumaantooda gabay lagu sheego, malahayga cid soomaali ah oo Mataan uga horraysayna ma ay jirin. Afada la qabaa kuma sii jirin, waxaase kaba sii daran oo la siqoon jirey waa soddohda oo xurmo mooyee, ninka gabadheeda lagu magacabay, ha qabo, hase furee, aan wax kale ka mudnayn. Ha yeeshee, ninka aannu hadal-haynaa waa Mataan oo xeerka dadka qabtaa aanu qaban!

Bal malee kolkii tixdaas la maqlay wixii dhacay. Raggii geedka joogey ee loo mariyey niman hadal seego ma ahayne, sarbeebtii waa la gartay. Hoos baa loo wada jeestay. Rag baa damcay inay isla geedka shirka ku dhaleeceeyaan, ha yeeshee way ka maageen. Waxay ka baqeen wax ka daran inuu goobta ka geysto. Dhiig iyo dhabbaqo midkood in madasha lagala carraabo intay ka cabsoodeen ayay afafkoodii xagsadeen. In yar ka dibna inta la isla dhugtay ayaa, iyada oo aan ninna nin la hadlin, shirkii lagu kala dareeray.

Odayadii xilku dhibi jirey iyo garmadowdii ceebta necbayd ayaa kor iyo hoosba ka habaaray. Addimmadiisa ayaan laga baxsan jirine, carrabkiina ma ku daray? Abwaannadii baa laabtu huguntay. Fiid-horaadkii ayaa tixdii ba’nayd oo dhallinyaro iyo waayeelba la qaybsan yahay aqalladii iyo goleyaashii geela lagula laabtay. Waa lagu haasaaway. Odayaashu ha diideen oo dhegaha ha ka furaysteene, kurayadii baa geelashii ku soo carraabiyey oo, markii ay hal soo duwaanba, kor ugu dheeraystay.

Salaadooy, bal adiga maxaa kuu eg? Uurka ayay ka oydey, noloshiina way u dhadhan beeshay. ‘Yaa ku habaaray?’ inta ay isweyddiisay ayay dib ugu noqotay waayihii ay soo martay, bal inay garato halka laga gaarey! Cunno iyo caanoba way ka degi waayeen. Maalintii ay moorada Mataan soo gashay ayay maalmaha ugu necbaatay. Maxaase, rag allow, waxaas oo walaac iyo murugo ah ugu wacnaa? Waxay islahayd: adiga iyo Mataan guur uma hagaagin, una hagaagi maayee, noloshaadu, rag allow, sidee bay noqon? Gabaygaas habaaran oo cid taqaani ay ifka ku dhaqan tahay, sidee buu inan-rag kuu soo jalleeci doonaa?’ Waa runteed oo wahankeedu waa wax garawshiinyo mudan. Yaa guurkeeda ku degdegaaya gabadha, dhirta Eebbe bdane, geel-waaqista lagu tilmaamay?! Naagta, ugaari kala jaade, garannuugta aan hilibkeeda la hunguriyayn lagu sheegay?! Naagta gaaraabidhaan, golcas iyo roob-la-dhaca aan guduudka mooyee qiimaha kale lahayn loogu hal-qabtay?! Dumarka hidde-raac iyo isir-wanaag baa loogu xilan jiraye, yaa u soo hanqal-taagaye, gardarroba ha ahaatee, naagta hooyadeed uu geel-jiruhu ceebaha lagu sheegay ku maansoonaayo?! Waxay haaraantay nimankii ay walaalaha iyo ilmo-adeerrada ahaayeen ee inta Mataan yiqiin gacantiisa ku aamminay. Saantii ragga ayay ka irdhowday, bayrna ka yeelatay. Dhuxulo dab ah oo indhaheeda kor saaranna waxaa ku noqotay daymada dumarkii ku wiirsanaayey.

Aqalkii ay oorida ka ahayd intay si dhuumasho ah uga baxday ayay habeen madow waddada cagta saartay. Reerkoodii oo aan ka fogeyn xeryihii dayrta laga soo aroosay ayay beegsatay; iyada oo, marriinkii ay qabtay mooyee, aan ku hanbaasin shey kale oo Mataan ku isman. Intii ay laba-laxaadsanaysay oo ‘dugaaggaa ka baxso’ ay islahaydna, way ilmaynaysay. Oo maxay u ilmayn weydey, sow muraayaddii qabkeeda inkaar-qabe kuma tuman oo bagac kama siin?

Habeenkaas iyo maalintii xigtay haddii ay soconaysey ayay fiidkii dambe goor caweysin ah qoyskoodii iyo ardaagii hooyadeed ku soo ag-dhacday. Waxay ku tashanayd, ‘warran oo, adiga oo barooranaaya waxa lagugu falay ka xareedi’, hase ahaatee waabberigiiba waxay ogaatay sheekadeedu inay ka soo horraysey. Illeen rag baa habeen hore reerka ahaa oo wixii Mataan falay iyo wax ay ku dareenba soo tebiyey. Illeen baadi geel oo ay ku raad-joogeen baa beesha loogu sheegay oo iyagaa qisadiiba mariyey. Illeen maro-weyntii Salaado jifada u ahayd waa war qabaan oo keeda baahi weyni uma hayso. Illeen gabaygii baa sida too, tanna laga qaybsan yahay oo Faarax Afey, Cali-dhan iyo Nuur-jiir oogadooda meeshii laga saro dhiig loogama fadhiyo, umal bayna la gam’i la’ yihiin! Gardarrada Salaado lagula kacay waxay ugu muuqatay tu’ iyaga loola jeeday. Caradii hayseyna waxay sii korodhay markii ay arkeen gabadhii oo dhalan-rog ku dhacay. Inay iyadii tahayba, waa laga shakiyey. Way madoobaatay oo sidii qof duumo ka soo daahay u suuqantay. Baroorteeda uurka ayaa foolkeeda ka muuqata. Hooyadeedna waxay raggii u tebiyey Salaado tii ay tiqiinba inaysan ahayn. Way kaftan badnayde, waxa ka soo haray weji diifaysan iyo bushimo hadalkii loo diiday. Habaaska oo ay ka feejignaato iyo oogadeeda oo ay ku hawshooto ayaa lagu ogaaye, waxaa la arkay iyada oo mar walba barida dhulka ku haysa, sidii guumeys inan-rag ka quusatay!

Barbaartii ay xigtada ahaayeen ayaa midba colaad uu Mataan u hayo dhinaciisa ka guddoonsaday. Isaga iyo ninkaasi inaanay dunida guudkeeda ku wada noolaan ayaa waxaa dhaar ku maray seef-la-boodkii Salaado hoosta uga yaraa. Labaatan-jir ina-adeerkeed ah oo baraaraha nabadda mooyee aan halaagga colaadda weli u soo joogin ayaa afar-iyo-tobanka –iyo-boqolka xaf ku siiyey Mataan iyo xidid kale inaan eed dambe kala gaarin! Dulucdu waa inuu nafta weysiin doono, dabadeedna laga raysan doono. Odayaashii beeshu waxay dhallinyaradii cartamaysay ugu caqli-celiyeen: ‘nin da’ yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa, dadkuna waa tol oo xidid keliya lama ahee, dhalyona waa la wadaagaa. Xasan-mataan sidaas foosha xun haddii uu ku kacay, ayaan lagu dayan, godob sokeeyena laguma degdegee, jifada uu yahay ha loo ergeeyo.’

Guurti soo guddoomisa falalka Mataan wixii lagaga xafiif-qaadan lahaa ayaa la soocay. Habeenno haddii ay tashigii ku guuleen oo qaarkood, caro awgeed, uu geedkii ka dareeray, dhallinyarona ay go’aankooda sugi la’dahay ayay, ugu dambaystii, talo ku heshiiyeen. Waxaa toodii la raacay nimankii ku taliyey xaal iyo xumayn inaan Mataan iyo jifadiisa midna la weyddiisan, looguse ergeeyo inuu Salaado madaxeeda u sii daayo.In kastuu ahaa guddoon aan caro ka maqnayn, haddana uma uu cuntamin da’yartii warmaha looshanaysey ee, ugu yaraan doonaysay, furriin waa halkiise, arrintaas tab uun in looga gilgisho.

Si kastaba ha ahaato, heer kastana ha soo martee, hebel iyo hebel baa la magac-dhebay. Mataan-ciideed ninnaba garnaqsi ugu tegi mayne, raggii jifada u ahaa ayaa meel-marinta guddoonkaas loogu guryo-tegey. ‘Hawraarsan’ ayay ergadii kala kulantay odayaashii ay u gogol-fariisteen. Mataanna, wax la baryo oo garka iyo gondaha la hayoba, ugu dambaystii ayuu yiri, “Yeelay, waase haddii la ii soo celiyo yaradkii aan hortii bixiyey.” Shardigaas isaga ah ergadii hadal kama ay soo celin, waxayna muujiyeen wax walba oo ay Salaado madaxeeda ku heli karaan inay u diyaar ahaayeen. Sidaas ayaa maalintaas lagu kala dareeray, iyada oo lagu ballansan yahay debnaha Mataan in laga maqlo saddexdii dalqadood ee uu Salaado ku qabey; kolkii loo soo naqo xoolihii yaradka ahaa ee xagga reerkooda kaga maqnaa. Malahayga, waxay ahayd markii ugu horraysey oo ay Mataan iyo rag kale, wax kastaba ha ahaatee, ay wuxuun ku heshiiyaan!

Maxaase ka dambayn?

-10 -

Ergadii kolkii ay noqotayba, waxay bilawday geelii iyo fardihii yaradka ahaa ee Xasan-mataan inay meel isugu keenaan. Hashii qolo maal loo siiyey waa la doonay. Geelii la xerriyey tuluddii lagu ogaa cid baa loo diray. Faraskii iyo geenyadii la banjoogeeyeyna jaraha ayaa lagu soo qabtay. Goor barqo ah ayaa xoolahaas oo la wado Mataan loo keenay oo la guddoonsiiyey. ‘Salaado waan furay’ ayuu dadkii maqashiiyey. Eebbe-weyne ayay odayaashii iyo abwaannadii mahad u naqeen, mar haddii dhiig iyo colaad la’aantood Salaado iyo Mataan sidaas lagu kala madxiyey.

Ha yeeshee, way male habaabeene, Mataan-ciideed nin ay wax ka go’aan ma ahayn! Jid iyo jaho loo raaco nin aan lahayn buu ahaa. Muddo ka dibba, socoto xagga Mataan ay saantoodu ka soo jeedday ayaa waxa ay u warramaysaa Faarax Afey iyo Nuur-jiir oo salaado jifada u ahaa. Waxay ku leeyihiin, ‘Mataan baannu soo marnay, wuxuuna noo sheegay inaan Salaado ka furnayn oo ay weli isaga afo u tahay. Sababtana wuxuu cuskiyey xoolo weli dhankiinna kaga maqan oo ay ka mid yihiin faraskiisii Feyd la oran jirey iyo laba halaad oo markii uu bixinaayey isku sidkanaa.’

Waa run oo waa wax jira afartaas neefi in aysan weli u soo xeroon. Hase ahaatee, markaas ka hor sow tii laga heshiiyey oo in loo soo kaxayn doono loogu ballan-qaaday, isna uu rabbi iyo rag hortiis uu gabadha ku furay? Rag allow, ninku jid xumaa, sow waana axdi kama xirmo?! Sidee buu damac uga hayaa gabadhii uu sidii la ogaa u galay ee uu magaceeda bi’iyey? Mase damacba kama hayee, waxaa kibirkiisa maan la’aaneed ka dhaadhiciyey inaan Salaado reer ka xafiif-qaadan kara ka dhalan, ragna aanu ka dambayn? Cali-dhan iyo Nuur-jiir baa cadanyooday. Wuxuu ballaar lahaa, dhulkii baa ku yaraaday. Faarax Afey ayaaba roonaa oo labadooda dejinaayey. Wuxuu ku taliyey, ‘War kol hadday arrintu afartaas neef joogto, ilmo-adeerrayaalow, dhiig sokeeye guul ma noqdee, ha loo geeyo, wixii dambe ee ka yimaadona aan dhawrno.’ Waa laga yeelay, waxaase geedaha laba-dible loogu xiray, quraanyona lagu jafay dhallinyaradii uu dhiigga Mataan u hillaacayey.

Iyada oo laga talinaayo halihii isku sidkanaa iyo faraskii Feyd ahaa ciddii Mataan u kaxayn lahayd ayaa goor casar gaaban ah waxaa reerihii la soo joogsaday afar nin oo uu Buraale Ugaas Muxumad ku jiro. Cidda ma dhaafsiisnayn, sidaas daraaddeedna sheedda aqallada ayaa gogol loogu fidiyey oo wan subag madoobe ah inta loo loogey caano geel laga durduuray. Isla habeenkiiba dantii socodkooda ayay u sheegteen Faarax Afey iyo odayaashii beesha guurtida u ahaa. Buraale oo ogaaday in Salaado la furay, gabadhana naag-door ku maqlay ayaa soo doonay. Sidaas ayuuna reeraha ugu soo dadab-galay. Nin la yaqaan oo asluub leh, abtirina aan kaga fogeyn buu ahaaye, Faarax Afey, Cali-dhan iyo Nuur-jiirba ‘hawraarsan’ bay yiraahdeen. Buraale oo Salaado la siiyey iyo raggii ula soo dadab-galay waabberigii ayay degmadoodii u kallaheen, iyada oo lagu ballamay guga dhow iyo xilli roobaad in xilaha iyo xarraagada la isweydaarsado.

Rag allow, Mataan-ciideed markuu arrintaas cusub maqlo muxuu ka yeeli doonaa?

-11-

Goor harsimadii ah, isaga oo geed hareeri ah harkiisa barbaar kula shaxaaya oo midigtana saalada ku xabbad-qaadaaya, bidixdana labadiisii waran ku haysta, gaashaankuna uu dhinac yaal ayaa niman socoto ahi ‘salaamu-calaykum’ kaga naxsadeen. Waa nin dhiillaysan oo uun door ah godobtooda hayee, intuu booday oo warmihii iyo gaashaankii hagaag u qabsaday ayuu nimankii degdeg u haybsaday. Markii ay isu sheegeen oo uu gartay inaysan colaad ugu socon ayaa la iswaraystay. Waxay habeen hore ku hoydeen aqalladii Reer Ugaas iyo rugihii Faarax Afey iyo Nuur-jiir ay ka talinayeen ee ay Salaadona joogtey. Waxay goobtii ka sheegeen, wararkii ay Mataan siiyeenna ugu darraa Buraale Ugaas Muxumad inuu Salaado soo doonay, lana siiyey. Nimankii buu hadalkii ku celiyey oo mar labaad ka hubsaday, mar saddexaadna ka saxsaday. Sidii nin cirku ku soo dumay ayuu socotadii iyo raggii uu geedka kula shaxayeyba ugu muuqday. Warmihii buu dhawray oo sidii nin maantadan loo tumay gaashaankii u milicsaday. ‘Sidee buu, adiga oo jooga, uu Salaado nin kale u haweysan karaa?’ Su’aashaas buu hoos ahaan naftiisa u weyddiiyey. Isla markiibana, go’aan buu, si degdeg ah, halkii kaga dhawaaqay. Wuxuu yiri: “Intiinna geedkan joogtaay, dhegeysta. Dadka Ciideedow u dhug lahaada oo waxa aan idiin sheegayaa yay fudayd idinku dhaafin. Kii joogow, kan maqan gaarsii: Salaado, aniga oo ifka ku nool, nin kale ma geyo! Naagta mar uu magacaygu ku yeeray, sidee bay aqal nin kale uga soo toostaa?! Naagta aan boqoradda geyiga Ciideed uga dhigay ee anigu aan Salaado-ciideed ula baxay, dadow yaan loo hanqal-taagin oo ninowna inay carruur kuu xanbaarto shaarubbada ha u duugin!”

Nin dhiirranaa oo geedka wax ka fadhiyey ayaa yiri: “Oo Mataanow, sow tii jiilaalkii dhoweyd la lahaa Salaado wuu furay?” Wuxuu ugu jawaabey: “Shalay ma furin, maantana furi maayo, haddiise xataa aan furo halkee buu ku nool yahay ninka guursan karaa oo naag kol meher iigu dhacay iiga dambayn karaa!” Rag allow, gardarro iyo kibir ka qaab daran ma loo soo joogey?! Abwaankii jifada u ahaa, Axmad Muxumad Xirsi, ayaa go’ankii iyo warkii Mataan-ciideed loo sheegay, kolkaas buu yiri, “Xasan-mataan, wixii Eebbe ku abuuray weli ma dhicin!”

Warkii baa geyiga Ciideed daaf walba u qaaday. Wixii waxgarad ahaa oo dhammi waxay yiraahdeen, ‘sayga iyo ooridiisu intay kala tagtaan, sow tii uu midba reer labaad yeelan jirey? Sow tii aan, furriin dabadi, xasaradi dhici jirin? Maxaa Salaado ku goonni ah oo ay kaga duwan tahay dumarka uu nin furo, dabadeedna uu mid kale guursado?’ Ninkii su’aashaas ka jawaabey wuxuu yiri: ‘Salaado goonni ma ahee, Mataan baa goonni ah. Waa nin maskaxda ka gashaday geyiga Ciideed iyo inta ku noolba inuu Eebbe-weyne isaga ku xuddumay! Hadduu ahaa, xumaan mooyee, nin aan dubaaqiisa samo ku soo hoyan, maxaa u diidaya inuu maalin noolba wax lala yaabo la gole-yimaado? Yaa arkay oo maqlay nin haweeney furay oo yiri, ‘dabaday lama guursan karo!’ Raggii jifada u ahaa ee go’aankiisu uu la qalloocnaa ayaa waano isku deyey, ha yeeshee waano abuur baa ka horraysey. Waalid buusan maqlin, guurti baan wax u sheegi karin, waano culimmo ayuu dhegaha ka furaystay!

Qoyskii Salaado ka dhalatay oo taladiisu tahay in afartii neef xasan-mataan loo kaxeeyo ayuu warkii gaarey. Rag iyo dumar, wixii maqlayba, caro ayaa dig siisay. ‘Tol beelaye, Xasan-mataan miyaan rag loo lahayn?’ ayay dumarradii ku geesaaseen. Awel hore raggii nabadda ka talin jirey way badnaayeene, hadda way soo tiro yaraadeen tan iyo maalintii la maqlay hadalka Mataan ka soo yeeray. Waxaa loo batay garadarro wixii kala soo gudboonaaday inaysan tanna ku dari karin, uguna dul-qaadan karin. Faarax Afey mooyee wax waanwaan nabadeed rajo ka qaba ayaa beeshii laga waayey. Guuldarrada colaadda ayuu war u hayey, wuxuuna ahaa waayo-arag tabaalaha dirirta dhab u yaqaan. Wuxuu isku hawlay dhiig daadan doona inuu baajiyo. Wuxuu ku taliyey, “Bahdayeey, Mataan-ciideed hadal baa ka soo yeeray oo la inooga keenaye, aynu run ku sugno. War jiraaba Cakaara ayuu imane, yaynaan innagu colaadda bilaabin, sidaasna eedda ku yeelan. Warka soo yeeray haddii uu dhab yahay isaga ayuun bay laan-deyri la duuliye, aan koranno oo nin fududi waa fadaqe, markii ay habboonaato wixii uu Mataan inagu falay aynu ka gar’allayno” Waxay ahayd waano waayeelkii soshay, hase ahaatee aan dhallinyaradii qaboojin. Dantii uu Faarax ka lahaana waxay ahayd laba wiil oo jifadiisa ahi intay israacaan inaysan Mataan raadsan oo bartamaha reerkooda ku dilin. Dhiig sokeeye ‘baaji’ ayuu islahaa. Adduun la ismaqli jirey oo garcaddaayada laga dambeeyey ayuu ahaaye, Faarax iyo odayaashii talada ku raacay taas way ku guuleysteen oo da’yartii cartamaysay way u caqli-celiyeen.

Ha yeeshee, addin baa laga ballamaye, af lagama ballamin. Barbaar ay Salaado ilmo-adeer ahaayeen oo inay Mataan kala sed-qaadaan ugu horrayntiiba ku tashoonaa, odayaashuse ay tashigiisii ku baajiyeen ayaa tiriyey gabay digasho iyo dhaarba isugu jira. Digashadu waxay daarran tahay afartii neef oo Feyd ku jirey inuu ka hayo, Salaadona ay ka furan tahay, dibna aannu xilo iyo xoolo xaggooda uga sugeyn. Dhaartuna waa inuu dili doono indhaha markuu saaro. Wuxuu yiri:

  1. Sidigtii Falleedh iyo haddii Feydba lagu dhaafshey
  2. Inantiina kaa furan tahay wallee faydo kuma raacin
  3. Inaanse kaa ‘fash’ siin baa sidii faral Ilaahay ah!

Gabaygaas oo intaas inuu ka dheeraa ay hubanti tahay ayaa Mataan loo keenay. Qosolkii islaweynida ayuu ku dhuftay. Wuxuu ka yaabay inanka gabyey dhiirranaantiisa. “War show Ciid rag baa weli ku nool” ayuu isyiri. Wuxuu isweyddiiyey, “Tolow, ina-ayuu ahaa, wiilka kuu dhaaran karaa? ‘Inaan kaa ‘fash’ siin baa sidii faral Ilaahay ah’ wiilka gabayga ku daray ma doqon baa? Ma dal dheer buu ka yimid? Ma wuusan aqoon kuu lahayn? Ma naftiisa ayuu nacay? Ma tol iyo cid la talisa ayaanu lahayn oo waxaan xigto loo ogeyn?”

Maalintii uu tixda maqlay maalintii ku laba ahayd ayuu geedkii shirka yimid, isaga oo fardihiisii midkood ku jooga. Raggii fadhiyey kolkii ay arkeen sibraarka uu caanaha geela ka buuxsaday iyo qalabka sengaha u saaran ayay garteen in sodcaal ku jiro, waxna uu maaggan yahay. “Mataanow, halkee baad boqoole u tahay” markii la weyddiiyeyna wuxuu ku jawaabey inuu u socdo reerihii ay Salaado ka dhalatay, ayna joogtey. Wuxuu ku daray, “In la i dili karo iyo in kale ayaan soo hubsanayaa!” Amankaag iyo af-kala-qaad baa lala kala jeestay. Yaab baa raggii oo dil hadal kala soo bixi waayey. Nin laga quustay buu ahaaye, waayeelladii wax waano ah uma ay soo jeedin. Hase ahaatee, faraskii kolkii uu jeediyey oo nadigii ku dhuftay ayaa kuray da’ yari ku yiri, “Mataanow, maxaad Reer Ugaas ka dooni?” Wuxuu ku jawaabey, “Melaggay baa ku galay!”

Barqadii dambe kolkii ay ahayd ayuu reerihii ku soo baxay. Meel kale kuma uu leexane, aqalkii Salaado ku jirtey oo uu soo tilmaansaday ayuu beegsaday. Geed ku yaal aqallada duleedkooda ayay qaafadii Reer Ugaas ku shirsan tahay. Wuu arkay, kumase uu leexan. Wuu garab-maray. Waa la milicsaday ninka meesha maraya, waana la toyday. Wuu hagoogan yahay oo afka ayuu taagayaa. Labadii waran ee xaasowda lahaa, kal horena Bullaxaar laga soo gaday ayuu isku garaacayaa oo ‘dhalow…dhalow’ kaga siinayaa! Cali-dhan, Nuur-jiir, Faarax Afey iyo raggii kaleba durba way garteen ninka garab-maray ee aqallada ku socdaa inuu Mataan-ciideed yahay. Faarax Afey mooyee, in alla intii geedka fadhiday ayaa warmihii boobtay. Indhaha ayaa lala sii raacay. Aqalkii Salaado ku jirto oo uu soo tilmaansaday ayay saantiisu u jeeddaa. Qoor iyo xero ‘dalaq’ buu yiri oo sidii nin ay naagi u joogto kalsooni ku galay. Taasi hadday dhacday, ma weesaa dhawran? Niman mar afar lagu sheegay, marna shan lagu sheegay oo Cali-dhan ku jiro ayaa iskummar kacay oo qalabkoodii qaatay. Mid walba hubkiisa waxaa ka mid ah hooto dhegaley ah. Sidii lagu yiqiin, Faarax Afey ayaa isku deyey maantana inuu baajiyo dhiig sokeeye oo lamahuraan loo wada arkay. Raggii gedoodey ayuu damcay inuu qaboojiyo oo umalkooda uu biyo ku dul-daadsho. Wuxuu ku yiri, “Ilmo-adeerrayaalow, wiilkaasi dhiil buu luliye, yaan lagu dayan oo habi la’aantiisa loo raacin” Moogganse taladiisii lagama yeeline, waa laga diiday. Shantii nin oo hootooyinkii ka horreeyaan ayaa aqalkii Salaado ku jirtey soo hor-joogsaday. Ma gelin oo aqallada gabdhaha in la galaa ceeb bay ahayde, ardaaga ayay ku hakadeen.

Salaado oo hubsatay in la kor-joogo oo uusan Mataan maanta baxsanayn ayay naxdini ku dhammaatay! Ma waxay nacaysay in aqalkeeda dhiig ku daato? Ma waxay diidaysay in daraaddeed la isku dilo? Ma Mataan bay rajo dambe ka qabtay? Sababta ma naqaan, ha yeeshee waxay ku dedaashey inay bedbaadiso.Wax la yiri: markay ogaatay in la dul-joogo ayay ku tiri, ‘Mataanow, labadayda lugood dhexdooda meel aan ahayn oo aad maanta ku baxsan karaysaa ma jirto!’ Wuu ku qoslay oo ‘waad i caayaysaa’ ku yiri. Qalabkii uu sitay ayuu haabhaabtay, iyana intay daahaydii aqalka isku qabatay ayay shantii ardaageeda taagnayd ka bariday inaysan aqalkeeda soo gelin. Waxaad mooddaa inay ka yeeleen, Mataan bayse ‘halkaaga ku jir’ ka la’dahay. Intuu gabadhii dib u dalfiyey oo raarta aqalka ku tuuray, daahyadiina dhulka soo dhigay ayuu yiri, “Salaadooy, ma aniga iyo wiil Ciid joogaa la kala qariyaa?!” ‘Bax’dii uu yiriba, hooto xiiri baa naaska kaga dhacday. Tii labaad baa garabka dhexdiisa kaga dhegtey. Mid saddexaadna xiidmaha ayay dhex-xushay. Waa lagu boobay oo halkii uu ku dhacay iyo aqalka kaadkiisa ayaa lagu kidfay. Markii ay ka sii baxaysay waxay shantii ka soo sheegeen inuu lahaa, “Haddaan hooyaa!” oo uu ula jeeday: in la i dili karaa hadda uun bay ii caddaatay! Hadalkii kale ee laga maqlay, uguna dambeeyey isna wuxuu ahaa, “Ilmo-adeerrayaalow, kolley i dishe e, timaha ciidda iiga celiya, yaan gabdhaha Ciideed tuurkayga oo carro leh i soo dul-marine!” Codsi laga yeelay ayuu noqday.

Abwaankii jifada u ahaa, Axmed Muxumad Xirsi, ayaa loo warramay, laguna yiri, “Mataan-ciideed nimankii uu la xididay ee ay Salaado ku colloobeen ayaa dilay oo cadba mar gooyey. Kaatunkii uu qabey lagama bixine, intay fartii gooyeen ayay xaggii birtu halakaysay dib uga siibeen!” Axmed Muxumad markuu cabbaar aamusnaa ayuu yiri, “Wixii aan idiin sheegi jirey ee Xasan-mataan Eebbe ku abuuray waa waxa maanta dhacay!” Dharaartaas baa la gartay weedhiisii ahayd, ‘Xasan-mataan wixii Eebbe ku abuuray weli ma dhicin’ ee uu ku celcelin jirey markii falal silloon looga soo tebiyaba. Wuxuu ahaa aayaha kibirka nin yaqaan oo ay waayuhu bareen islaweynida iyo uunka oo lagu tunto inaan wanaag laga filan karin, looguna irkan karin.

-12 –

Waa yaabe, ninkaas dayrada ah ee habaarka aadanuhu ku ururay, nimankii uu ka dhashay dhiiggiisii ayay sheegteen. Faarax Afey iyo Cali-dhan oo ahaa jilibkii dilay mag boqol halaad ah ayay ka oggolaadeen, ha yeeshee raggii Mataan ka dhashay taas way diideen. Saddex nin magtood oo saddex boqol oo halaad ah in laga siiyo ayay ku adkaysteen. Waxay qabeen Mataan inuu nin ka weynaa, laba ka weynaa oo saddex nin u dhigmay. Guurti tolweynaha ka tirsan ayaa labadii qolo dhexdhexaadisay. Garsoorkooda waxay cuskiyeenna garan maynee, waxay xukumeen Reer Ugaas inay Mataan ka bixiyaan laba boqol oo halaad! Waxaa cad inay isku raaceen laba nin inuu u dhigmaye, ma dhab baa inay odayashu sidaas rumaysnaayeen? Mase dhiig dambe oo daata ayay ku baajinayeen? Mase geela ayaa beelaha ku badnaa oo laba bqol oo halaad baan wax weyn loo arkayn? Si kastaba ha ahaatee, reerihii Faarax Afey iyo Nuur-jiir ay maqaddimiinta u ahaayeeni geelaas way bixiyeen, in kastoo raggii Mataan xigtada u ahaa qaarkood aarsi mooyee aanay wax kale ku qanacsanayn.

Iyada oo sidaas lagu kala joogo ayaa nin gabayaa ah oo markaas dibedda dalka joogey wuxuu maqlay Mataan-ciideedkii geyiga qabsaday in dhegta dhiigga loo daray, nimankuu ka dhashayna, intay u aari lahaayeen, ay mag ka oggolaadeen! Ninkaas oo ay dantiisu ahayd labada qolo inuu foodda isu geliyo, wuxuu ku sugnaa Cadan, waxaana la oran jirey Aadan Axmed Dubbe. Gabay diraddire ah ayuu magaaladaas ka soo dhiibay; kaasoo ay meerisyadan koobani naga soo gaareen:

  1. Gooshaashka dhow bay farduhu gelin-baxaayaane
  2. Garduur nimanka tegayow farriin gaaban iga geeya:
  3. Niman baa Mataan gawracaan geed-xaraar bixine!
  4. Geyi lagu dhaxaa buu ahaa geed ay jebiyeen dheh!
  5. Gadhka dhiigga waxa loogu daray talo ay gooyeen dheh!
  6. Ma gaadine gadiid maalinay gabax ka siiyeen dheh!
  7. Gablanyaay! Xuseen-xoday muxuu gool u qalan waayey?
  8. Gelliin lagama roonee muxuu gaas u bixin waayey?

‘Xuseen-oday’ga uu tixda ku magac-dhebey waa Mataan ina-adeerkiis run ah. Isaga ahaayaa iyo mid kale ahaayaaba, nimankii Mataan ka dhintay midkood ayaa dhagar u dhaqaaqay oo geesigii magaciisa dhammaanshaha la raaciyey, waa Cali-dhane, gawrac ugu jiiday! Talona maalintaas bay faro ka baxday. Warmihii baa la isu soofaystay. Cali-dhan nimankii oo malahayga kolkii horeba gabaygii Ina-Axmed Dubbe kiciyey ayaa meydkii ka dul-maansooday oo yiri:

Ninkii Ina-Dubbaa nagu kashfay kooski Cadan-weyne

Hadalkii na soo wada karyoo kuu na yiri yeellay!

Reer Ugaas oo laba boqol oo halaad shalay Mataan ka bixiyey waxay iyaguna mooggooda sheegteen in laba boqol Cali-dhan laga siiyo oo geelii ay bixiyeen uun loo soo celiyo. Reer Dalal oo ahaa nimankii Mataan ka dhashay, arrintaas waa iska soo taageen. Dabadeedna, waxaa la weyddiistey, waxba yaanay laba boqol bixin, inay boqol uun Cali-dhan ka keenaan. Taana ‘maya’ macangagnimo ka keentay ayay kaga jawaabeen. Nin Cabdi la oran jirey oo isna ay Mataan ilmo-adeer ahaayeen, ayna muuqato inay islaweynida iska raaceen ayaa magtii Cali-dhan markii la weyddiiyey wuxuu yiri, “Aadkeedaba in aan Ciid rag ku dhaqnayn waxaad ku garataa, iyada oo uu Mataan aragahayga ka maqan yahay haddiiba geel la i weyddiinaayo!” Waa yaabe, muxuu Mataan ka samaysnaa? Yaa dhiiggiisa xaaraan ka dhigay, Cali-dhan iyo dadka kale dhiiggoodana xalaaleeyey? Jawaabtu waa kibirka iyo islaweynida uu ninkeedu nacasnimada ku qarsado!

-13 –

Cabdi iyo raggii ay xigtada ahaayeen kolkii waanwaan nabadeed wax lagaga waayey ayaa waxaa colaad dhab ah ku tashaday Faarax Afey, Nuur-jiir iyo dhammaan Reer Ugaaskii Cali-dhan laga diley. ‘Ma nin aan birtu karin baa jirta?’ ayay isku guubaabiyeen. Gabayo dhiiggu da’ayo oo tirtirsi iyo aardoon wada daarran ayuu Nuur-jiir oodda ka soo qaaday. Gabayadaas oo waayadii dambe u batay wax lagu hal-qabsado waxaa ugu caansan faraskiisii Caynab kii uu kula hadlaayey ee uu ku lahaa:

  1. Haddaan Caynabow col iyo guluf caato kugu raagin
  2. Waxaad coobbo weyn tahay haddii adan caday ka dhuubnaannin
  3. Haddaan meydku cagahaaga iman sida cagaar seexday
  4. Cad nin quuta mooyee haddaan caano laga dhaaran
  5. Hadday nabadda ceelkaan ku rido cidi ka soo saarto
  6. Canduu aabbahay dhalay haddaan dunidu ciiryaamin!

Tix kale oo ta’ley ah oo iyana aad caan u noqotay ayuu tiriyey. Waxay talo kaga dhammaatay gacantiisa inuu Cali-dhan ugu aaro oo uusan cid kale ku hallayn. Wuxuu go’aansaday Cabdi’gii ay Mataan ilmo-adeerka ahaayeen, hadalka quursiga huwanna laga keenay uu dhiiggiisa ku dhaashado! Ta’leydii uu naftiisa ku guubaabinaayey ayaa waxaa naga soo gaarey meerisydan soo socda ee uu ku yiri:

  1. Tolla’ayeey! toddoba jeer miyaan xalayto soo toosay?!
  2. Ma tunkaa i buuxsamay sidii toban-jir awrgaala?!
  3. Ma tallaabadaydaan haldhaa anan wax tuugaynin?!
  4. Laba saanac ii tumay miyaa tiirsan dhinacayga?!
  5. Belaayadan ‘i taabo’ leh miyaan toosin kari waayey?!
  6. Sidii ari tigaad cunay miyaan taaha ku caweeyey?!
  7. Miyay tabaraday laba qabiil taws dhex-dhigi weydey?!

Maalintaas, isaga oo aan biyo-dhac u yeelin, ayuu tixdii halkaas ku joojiyey. Raggu kala il-dheere, nimanka loo dhaaranayo nin ku jirey oo ay Mataan-ciideed isxigeen ayaa dareen galay. Wuxuu raggiisii ku yiri, “Bi’i waaya e, halka uu gabayga ku ekeeyey Nuur-jir kas buu u yeelay. War gabaygu ma dhammee, dhexda ayuu joogaa. Kolkii wax dhacaan oo nin uu kabaalkeennu ku jabo uu dilo ayuu dhammayn doonaaye, war hoy haddeer ha laga gaashaanto. Eray aan sannado inaga harin ayuu gabaygaas ku soo dari doonaaye, Nuur-jir haddeerba ha la dilo. Ma haddaad diiddaan baa? Ha loo dul-yeesho wixii ka yimaada!”

Taladaas dheg looma dhigin, Nuur-jiirna in loo diro gaade soo dila lagama shirin, la isugumana iman. Isagana galabtii dambe ayay u soo martay. Cabdi Muxumad Xirsi oo, sidaan soo sheegnay, ay Mataan ilmo-adeer ahaayeen ayuu haylaha ka caseeyey! Gabaygii kala dhimmanaa ee uu ku joojiyey:

Miyay tabaraday laba qabiil taws dhex-dhigi weydey?!

ayuu galabtaas dhammeeyey oo wuxuu ku daray, kuna ebyey:

  1. Ma Cabdaa turaabta isku rogay waa tabtaan wadaye?!
  2. Goortaan ku taagsaday miyuu telalay oo reemay?!
  3. Ma tummatidii baan wadnaha tahan wax weydaarshey?!
  4. Libaaxuba dhurwaa toban kuna ayuu tulud ka qaadaaye
  5. Ninkii faro yaraan lagu tuhmaa talo ka hoostaaye
  6. Wallee aniga waa lay tixgelin tiirrinnimadayda!

 

 

Qoraa Sare: Axmed Faarax Cali “Idaajaa”

 

WWW.HOYAALAY.COM
info@hoyaalay.com